Kampala, (SLP)- Shir ay soo qaban-qaabiyeen hayโaddaha Africa Media Initative (AMI) iyo ย Rockfeller Foundation laguna marti-qaaday madaxda war-baahinta geeska Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Ujeeddada shirkan ayaa ahaa maaraynta mulkiileyaasha Warbaahinta iyo Xaq-dhowrka Shaqaalaha Warbaahinta. Waxaana kasoo qayb-galay, madaxda warbaahinta ee Wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Eritrea iyo Uganda oo ah dalka marti-galiyey.
Waxa ugu horreyntii halkaas warbixin soo dhaweyn iyo wax-qabadka hayโadda Africa Media Initative (AMI) kasoo jeediyeen Wangethi Mwangi iyo Roukaya Kasenally oo ka mid ah madaxda sare ee hayโadda AMI.
Waxaa shirkaas si weyn loogaga doodday qodobo ay ka mid-yihiin;
- Xoojinta maamul-wanaaga madaxda Warbaahinta
B. Hab-dhaqanka iyo Wanaajinta xidhiidhka madaxda Warbaahinta iyo wariyeyaasha
C. Ka Ganacsiga Warbaahinta
Waxaa halkaas warbixino kasoo jeediyey madaxda Warbaahinta ee:
- Robert Kabusenga, madax warbaahinta New Vision, Uganda
2. Axmed Guure, madaxa shabakadda Hiiraan Online
3. Mohamed Mohamoud Kadieh, madax Le Nation, Djibouti
4. Maxamed Cusmaan, Madaxa idaacadda Star FM
5. Teguest Yilma, madaxa jaraaโidka Capital ee Addis Abab
Ugu dambeyn, waxaa halkaas warbixin dheer kasoo jeedisay madax hayโada Rockeffeler foundation ayada oo faahfaahisay waxqabadka hayโadda ee qaaradda Africa. Waxay ku buurisay ka soo qay-galayaasha shirka inay galaan shabakadda Rockeffeler Foundation halkaasoo ay ka heli karaan macluumaat lagu kaalmeyno qaybaha kala duwan ee bulshada sida horumarinta.
Somalilandpost.net