Hargeysa (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta eeย TELESOM ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo la magac baxay KAAFI, adeegaasi oo Macaamiisha shirkadda u sahlaya in ay si hawl yar lacagtoodda ku jira Akownnadooda ay ugala baxaan Mobileka.
Munaasibadda daahfurkan oo maanta lagu qabtay Xarunta Guud ee Shirkadda Telesom eeย Caasimada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxadda Shirkadda, Masuuliyiinta ugu sarsareysa Adeega ZAAD iyo Salaam.
Ugu horeyn waxa Daahfurka adeegan cusub ka hadlay Maxamed Ibraahim oo ah isu duwaha adeega Salaam, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay adeega Salaam uu bixiyo โadeeg cusub ee salaam ku soo kordhiyay waxan jeclaa marka horre inaan warbxin kooban idinka siiyo salaam. Salaam waa xarun ama waa haayad maaliyaddeed oo u shaqaysa sidday u shaqeeyaan rugta xurmaha kale ee caalamka, waxa la furay xaruntu adeega Salaam muddo haatan laga joogo laba sano iyo dheeraad, adeeganina waa adeeg maaliyaddeed marka horre macmiilka waxa uu u fududaa in uu ka aqbalo dhigaal, adeegan markasta wuu qaadan karraa,waadna la socon kartaa halka uu maryo xisaabtaadduโ.
Waxana uu intaasi ku sii daray โAdeegyadda uu qabto salaam waxa ka mid ah in uu bixiyo maalgashi, waxana ay siisaa cidkasta oo ka soo baxdda shuruudaha loga baahan yahay, xaruntan waxa kareeban wax kasta oo rimbo ah, waxana uu ku salaysan yahay shareecadda diinta islaamkaโ Ayuu yidhi Maxamed Ibraahim.
Cabdiqani Xariir Ismacil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxtarka uu lee yahay adeegani ay badan tahay waxana uu sheegay in meel kasta oo uu ka shaqaynayo shirkadda Telesom in aad isticmaali kartid adeegan.waxana uu sheegay in adeegani uu fududayn karro Saf dheer ama Kayuu aad ugali lahayd in aad xawishid lacag.
Cabdiaxmaan Aadan Shire, oo ah Madaxa adeega ZAAD oo ugu danbeyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa โTelesom waxay noqotay shirkaddii Afaraad ee caalamka ku soo kordhisa adeega lacageed ee Mobileโ, waxana uu intaasi ku daray โBangiyadu waxay ay ka shaqan jireen caalamka balse waxa halkii bangiga badalay waxa la yidhaaddo Mobile Money adeegan ee telesom u soo gudbisay macaamiisheeddeena waa horumar ay gaadhayโ.
Gabgabaddii waxa uu madaxa ZAAD baaq u diray shacabka Somaliland taas oo uu ku waaniyay in ay ka faaโiidaystaan adeegan โWaxan jecelahay inaan maanta halkan ugu baaqo shacabka Somaliland oo aan u sheego ZAAD oo aad ku nasateen ayaa waxay idiin keentay adeega KAAFI waxana aan lee yahay ku soo dhowaadda, runtii adeegani waa mid aad ku nasan doontaanโ ayuu yidhi C/raxmaan Aadan Shirre
Adeeganย KAAFI ayaa ah mid ku cusub shacabka Somaliland waana adeeg aad si hawl yar u dhigan karaysid lacagtaadda, adiga oo isticmaalaya Mobile kaaga, waxana uu fudadaynayaa in aad wakhti hawl yar ku qaadan kartid lacagtaadda, kuna dhigan kartid lacagaataadda, sidoo kale waxa uu kuu fududaynaa inaad la socon kartid hadhaagaaga iyo inta kuugu jirta khasnadaadda adiga oo jooga gurigaaga ama meel kaleba.
SOMALILANDPOST
Hargeysa Newsย Desk