
Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa maanta shaqadii garsoore-nimo ee ay hayeen kaย saaray 11 Garsoore oo ka kala tirsan gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal , waxaanu isku beddel ku sameeyeyย lix garsoore halka uu sidoo kale ku magacaabay shan garsoore oo cusub.
Warsaxaafadeedka ย uu ku saxeexan yahay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid isla markaana lagu sheegay in lagu fuliyey goโaan ay isla gaadheen guddiga cadaaladda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:
โWasaaradda Cadaaladda ee Somaliland, iyada oo Cuskanaysa Qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Farqadiisa 1aad, kaas oo qeexaya inay wasaaradda cadaaladdu u xilsaaran tahay fulinta Goโaannada Gudiga Cadaaladda.
Sidaas darteed, waxaanu halkan faafinaynaa goโaanka lambarkiisu yahay MS/GGC/G-3/08/2011 ee 22/12/2011.
WAXAY GOโAAMISAY
Qodobka 1aad: SHAQO KA SAARID:
Waxa shaqadii garsoorka laga saaray Garsoorayaasha hoos ku qoran:
- Siciid Yuusuf Cabdi oo ahaa Garsoore Maxkamadda Goboka Hargeysa
- Sh. Faarax Nuur Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gonolka Hargeysa.
- Ismaaciil Jaamac Diiriye oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa
- Aadan X. Maxamed Cawaale oo ahaa Garsoore Max. Racfaanka G. Togdheer
- Cismaan Tarabi Darwiish oo ahaa Garsoore Maxkamada Gobolka Togdheer
- Sh. Nuur Faarax Jaamac oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer
- Saalax Caydiid Ducaale oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer
- Maxamed Cumar Cali oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer.
- Cabdi Cawl Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Awdal
- C/raxmaan Cali Maxamed oo ahaa Garsoore ย Maxkamadda Racfaanka G/Awdal
- Khadar Xasan Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Awdal
Qodobka 2aad: BEDDEL GARSOOREYAAL
- Sahal Cabdilaahi Xirsi oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka G/Saaxil waxa loo beddelay Garsaare maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa.
- Cismaan Ibraahim Daahir, oo ahaa Gudd. Maxkamadda G/Saaxil waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda G/Hargeysa.
- Aadan Jaamac Saleebaan, oo ahaa Gud. Maxkamadda G/Sanaag waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka G/Sanaag.
- Xamse Cabdilaahi Xirsi, oo ahaa Gud. Maxkamadda Degmada Berbera waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda G/Saaxil.
- Axmed Aadan Mire, oo ahaa Gudd. Maxkamadda Degmada Burco waxa loo beddelay Maxkamadda Degmada Hargeysa.
Qodobka 3aad: MAGACAABIS GARSOORAYAAL
- Cabdiraxmaan Xandulle Xuseen, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Berbera.
- Jamaal Axmed Maxamuud (Cagaweyne), waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Saaxil.
- Xuseen Maxamuud Fadal, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
- Jamaal Xuseen Axmed, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda G/Hargeysa.
- Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka
- Hargeysa.
Xuseen Axmed Caydiid
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSLโ
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net