Borama, (SLpost)- Waxa maanta hotel-ka Rays ee magaalada Borama lagu shaaciyeyΒ qodobbadii ka soo baxay shirkii Aqoonyahanka gobolka AwdalΒ oo maalmahanba uga socday magaaladaas.
Kulan oo lagu soo gabo-gabeeyey shirkii aqoonyahanka gobolka Awdal, waxa ka qayb-galay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse iyo maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile, Guddomiyeyaasha jaamacadaha Camuud iyo Eelo.
Kulankan oo ay jaamacadda Camuud soo qaban-qaabisay ayaa muddo laba maalmood ah ay aqoon yahannadu ku falan-qaynayeen sidii nabadda iyo horumarka looga wada-shaqayn lahaa, waxaana kulankan lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ka soo talo-bixisa magacaabista guddiga horumarinta gobolka Awdal, waxaana lagu goβaansaday in jaamacadaha ku yaala magaalada Boorama laga sugayo kulamo lagu falan-qaynayo nabadda iyo horumarinta.
Waxa goobta uu kulanku ka socday hadallo kooban ka soo jeediyey guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo dhiirri-geliyey in halkaas laga sii wado sidii loo adkayn lahaa nabadda iyo horumarka. Waxa kale oo halkaas ka hadlay sheikh baladka magaalada Boorama SheekhΒ Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar iyo guddoomiyaha Jaamacadda EELO ee magaalada Boorama Dr. Maxamuud XuseenΒ waxaanayΒ labadooduba soo jeediyeen hadallo hogo-tusaalaynaya nabadda iyo xoojinteeda.
Ugu dambayn, waxa kulankaas ka hadlayey afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir βCukuseβ oo dhiirigeliyey in la sii dambo qaado kulamada noocan oo kale ah waxaanu ballan qaaday inuu xukuumadda gaadhsiin doono macluumaad iyo xogta ka soo baxday natiijada kulankan aqoonyahanka, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, βDokumentiyadan waxaan gaadhsiinayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenkaba. Waxaanan hubaa in guddiga noocan oo kale cidda ugu horreysay ee kaalmo siin doontaa ay tahay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.β
Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyey ee lagu qabto magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal oo aqoonyahankiisu ay ku goβaansadeen inay hormood ka noqdaan horumarinta gobolka, waxaanu tusaale u noqonayaa gobollada kale ee Somaliland inay qaadaan tubtan aayo-ka-tashiga ka hor inta aan la isla gaadhin in Xukuuadda dhexe uun wax laga sugo.
NUXURKA QODOBADDA SHIRKA AQOONYAHANKA
Xaalada aan Ku Β Jirno (Current Situation)
- Waa in la xoojiyo Β midnimada Somaliland
- Waa in la sii xoojiyo lana kobciyo nabada
- In la kobciyo dareenka dawladnimo iyo ka qayb-galka dawladnimada Somaliland heer walba,
4.Β Β Β Β In la adkeeyo dhanna looga soo wada jeesto jiritaanka, midnimada iyo qaranimada Somaliland
Diinta iyo Dhaqanka (Religion and Culture)
1.Β Β Β Β In la dhiiri galiyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka
2.Β Β Β Β In la Ilaaliyo lana dhawro Β Dhaqanka suuban Β iyo diinta Islaamka,
3.Β Β Β Β In masaajidadu sii xoojiyaan wacyi gelinta bulshada
4.Β Β Β Β In laga hortago dhaqanka diinteena khilaafsan
5.Β Β Β Β In manahajka dugsiyada iyo Jaamacadahaba diinta lagu xoojiyo
6.Β Β Β Β In dhaqanka iyo siyaasadda aan la isku darin
7.Β Β Β Β Oday dhaqameedyadu waa inay ku ekaadaan arimaha dhaqanka kana fogaadaan waxii kala gaynaya ummadda
Waxbarashada (Education)
1.Β Β Β Β In ay Jaamacadaha iyo Dugsiyadu ardaydaΒ u saaraan safaro lagu soo marayo gobolka si ay dhug ugu yeeshaan,
2.Β Β Β Β In la hirgeliyo tacliinta farsamada gacanta iyo macdanta,
3.Β Β Β Β In la sameeyo guddi waxbarasho oo heer gobol ah
4.Β Β Β Β In la tayeeyo waxbarashada gobolka: Β maamul, manhaj iyo macalin
5.Β Β Β Β In la xoojiyo barashada afka βCarabiga dugsiga hoose ilaa jaamacadda.
Siyaasad Beeleedka (Clan Politics)
Waa in si guud loo ilaaliyo midnimada bulshada iyadoo laga duulayo qodobada soo socda
1.Β Β Β Β In jaamacadduhu noqdaan madal u furan wada-hadalka, doodaha iyo horumarka bulshada
2.Β Β Β Β In daβyarta la baro adkaynta wadaniyada, darisnimada, iyo dan-wan-wadaagnimada, lagana ilaaliyo qabyaalada
3.Β Β Β Β In aan siyaada la beelayn, dhaqankana la siyaasadayn
4.Β Β Β Β In la helo cadaalad lana kobciyo shaqo abuurka
5.Β Β Β Β Inaan ururda siyaasada lagu abaabulin hab ku dhisan qabyaalad
6.Β Β Β Β In dhalinyarada loo abuuro barnaamijyada is dhexgalka iyo is barashada si looga gudbo qo-qobnaanta ay keento qabyaaladu
7.Β Β Β Β In qabyaalada loo arko qaab foolxun oo badawnimo iyo dib u dhac ku salaysan
8.Β Β Β Β In bulshada laga wacyi galiyo ku dhaqanka qabyaalada
9.Β Β Β Β In la joogteeyo shirarka noocan oo kale ah
10.Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β In Abaal marino la gudoonsiiyo inta waxqabadka u heelan,
11.Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β In daβ yarta la baro wadaniyada, dan wadaagnimada iyo darisnimada
Caafimaadka iyo Fayo-dhawrka (Health and Sanitation)
1.Β Β Β Β Waa in si cilmiyaysan oo xirfad leh loo agaasimaa caafimaadka,
2.Β Β Β Β Waa in la kobiyo lana horumariyo Β fayodhawrka magaalooyinka goboladeena
3.Β Β Β Β Waa in la sii horumariyo cisbitaalada jira lana Β abuuro adeegyo caafimaad meelaha aanay ka jirin.
4.Β Β Β Β Waa in la hawlgeliyo cisbitaalda kale ee gobolada
5.Β Β Β Β Waa in shaqaalaha caafimaadka loogu baahiyaa goboladeena si siman oo is leeg.
6.Β Β Β Β Waa dhaqaale loo helo adeega caafimaad ee gobolada lana gaadhsiiyo isku fillaansho.
War-baahinta (Media)
1.Β Β Β Β In gobolada loo yagleelo warbaahin madax banaan,
2.Β Β Β Β In la dhiso oo la kobciyo xirfada iyo mihnada suxufiga
3.Β Β Β Β In war-baanintu ka qayb qaadato isku xidhka ummadda iyo horumarka
4.Β Β Β Β In la helo kulliyad saxafadeed oo soorta dad aqoon iyo mihnad saxaafadeed leh
5.Β Β Β Β In suxufiyiintu qiimayn ka helaan bulshada dhexdeeda
6.Β Β Β Β In la helo war-baahin wax-barashada iyo wacyigalinta ka hawlgasha
7.Β Β Β Β In la sameeyo khuburo saxaafadeed oo qiimaysa dadka saxaafadda ka shaqeeya
8.Β Β Β Β In suxufigu la yimaaddo shahaado ama wax u dhigma
Ganacsiga, Dhaqaalaha, Kaabayaasha, iyo Beeraha (Commerce, Economy, Infrastructure, Agriculture)
- Β In muhuumidda koowaad la siiyo kordhinta wax-soo saarka beeraha.
- In Β istaraatiijiyad dheer oo xaga kaabahayaasha dhaqaalaha ah la sameeyo,
- In la abuuro shirkado yaryar iyo qaar waaweyn ,
- In maalgelin loo raadiyo: kaluumaysiga, beeraha, xoolaha, milixda, iyo macdanta
- In qurbo-joogu lagu dhiiriyo maalgashigaΒ gobolada
- In la sameeyo biyo xidheeno si loo qabto biyaha roobka
- In la xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee goboladuΒ la leeyahiin Β dawladaha jaarka sidaΒ Itoobiya,Β Jabuuti iyo Yeman.
- Β In Boorama laga iibiyo dadyowga kale iyadoo la diyaarinayo filim xogeedyo (Documentary Film).
9.Β In loo guntado isku xidhka Boorama, LughayaΒ iyo Seylac
10.Β Β Β Β In la taageero ASARDA IYO ARDAA oo u heelan horumarinta wadooyinka iyo dekadaha gobolada
11.Β Β Β Β Si loo fuliyo hawlaha kor ku xusan waa in la sameeyo guddi hor-u-marineed oo gobolku yeesho.
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net
Nuxurka qodobbo laga soo saaray kulan aqoon yahanka Awdal uga socday magaalada Borama iyo Xukuumadda oo ka qayb-gashay