Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa ka hadlayย Shaqaaqo shalay laba beelood oo isku-ardaa ahย ku dhex-martay Degaanka Baliga Diiriye Guuleed ee duleedka Burco, waxaanu ku baaqay in labada dhinacba ammaanka ilaaliyaan.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay dagaalka labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaray deegaankaas, waxaanu ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto sidii loo ilaalin lahaa ammaanka dalka.
โKolay horta waxaas Baliga Diiriye Guuleed ka dhacay waa Nasiib darro.Qarankanina uma baahna wax lilijiya ama lula, Ninkii Nin Waxyeelayna Qaranka oo dhan ayuu wax yeelay. Waa Nasiib darro, waxaanu waydiisanaynaa, oo codsanaynaa oo ku baryootamaynaa waar Nabadda aan xejisano,โ ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtida.
Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay Goโaanka Guurtidu labada Beelood ee diriray mid ahaan hore ugu xukuntay lahaanshaha dhulka lagu muransan yahay โGoโaankii Guurtidu waa inuu fulaa mar walba, wax bedelayna ma jiro. Ninkii Goโaankii Guurtida ku talax tagaya dee isaga iyo Qarankaa isleh Waayo? Goโaanku qarankuu dhaqayay. Qarankay isku dhacayaan Cidii ka hor timaada Goโaanka Guurtidaโ ayuu yidhi Mudane Saleebaan.
Isku-dhacii shalay iyo khasaaraha ka dhashay
Xukumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Odayaal ka soo kala jeeda Beelaha shalay ku dagaalamay degaanka Baliga Diiriye Guuleed.waxaa sidoo kale la kala dhexdhigay Ciidamo tiro badan oo ka hor taga isku dhac horleh oo halkaasi ka dhaca.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in khasaaraha weerarka ka dhashay yahay laba qof oo dhaawac ah oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee dagaalamay โXogaa ayay rasaas isku rideen oo laba qof ayuu ninba meel ka dhaawacmay oo midna gelinkii hore ahaa midna gelinkii dambe dhaawacmayโ ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer
Badhasaabku wuxuu sheegay inay talaabooyin qaadeen si loo joojiyo isku dhaca labada Beelood โMarkaas Ciidan tobaneeyo ah ayaa joogay laakiin,hadda waxaanu u diray ciidan fara badan oo kala dhex gala oo kala kexeeya. Gacan adag ayaanu ku qabanaynaa arrintaasi oo Odayaashoodana waanu xidhxidhaynaa imikana qaar baanu xidhnay oo soo qabanay labada dhinacba si arrintu u soo afgoโdoโ ayuu yidhi badhasaabku
Badhasaabku wuxuu sheegay in Goโaannadii hore ee Guurtidu Beesha Cabdalle Arab ugu xukuntay lahaanshaha Dhulkaasi ay rafcaan ka qaadatay Beesha Reer Biniin ee Habarjeclo, islamarkaana aan gacmaha la isku saarin. Waxa uu sheegay in qolaba 50 Oday laga xidhi doono.
SOMALILANDPOST.NET