HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ayaa ka soo degay Maanta garoonka Diyaaraha ee Egal International Airport, Β ka dib muddo saddex maalmood ah oo uu dalka Jabuuti ku joogay martiqaad uu madaxweyne geelle u fidiyey labada Dal ee Somaliland iyo Somaliya Madaxweyneyaashooda, kuna kala saxeexdeen heshiis 6 qodob ah.
Waxa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey Garoonka Masuuliyiin uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Masuuliyiin xukuumada ka tirsan, Cuqaal, Sulaadiin, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoon yahano, haween iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.