Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa shaaciyey inay codsigooda iyo Taariikh-nololeedkooda soo gudbiyaan Murashixiintii u taagnayd Jagada Murashaxnimada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay K/simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mr. Cabdixaliim Maxamed Muuse ayaa u dhignaa sidan:
โAnigoo ka duulaya Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB iyo Xeer-Hoosaadka Xulashada Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka iyo Goโaankii K/S Guddoomiyaha ee Shirkii Guddiga Fulinta 03/13/2011, Waxaan halkanย si guud ugu baahinayaa ย inayย Musharixiintii u taaganayd Jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga UDUBย u soo gudbiyaan Codsiyadooda iyo CV-yadoodaย K/S Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muddo Shan iyo toban maalmood gudahood (15 Maalmood) ah, oo ka bilaabmaya Salaasa 13 December, 2011.
Cidda Muddadaa ku soo gudbin wayda lagama qaban doono wax Codsi ah.
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxa lagala soo xidhiidhi doonaa Xafiiska Xoghayaha Guud ย ee Xarunta Xisbiga UDUB.โ
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net