Hargeysa (HT)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu dhawaan magacaabi doono guddi madax-bannaan oo u xil-saaran arrimaha nabadeynta gobollada Bari ee dalka.
Madaxweyne Cirro oo maanta kulan la qaatay Shir-guddoonka iyo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ku hawlan yihiin dedaallo lagu xasilinayo xaaladda nabadeed ee gobollada Bariga.
“Dalka gudihiisa waxa aannu bilownay kormeero la xidhiidha Ciidankeenna kala duwan si aan dib u habaynta hay’adaha ammaanka iyo difaaca Qaranka u galno.
Dhinaca kalena waxa aannu barbar wadnaa dedaallada xasilinta bariga Somaliland oo meel fiican maraysa, dhawaanna sida aan Shir Guddoonka Golaha Guurtida isla qaadannay waxa aan si madax bannaan u magacaabi doonnaa Guddi u xilsaaran arrimahaa nabadeynta,” sidaas ayuu yidhi Md Cirro.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “In kasta oo aanay waqtigan jirin khatar gurmad degdeg ah u baahani, haddana waxaa waajib ah feejignaan dheeraad ah, si aynnu u xaqiijinno in qarankani uu sii ahaado shamaca nabadda iyo dimquraadiyadda ee gobalka Geeska Afrika,” sidaas ayuu yidhi Md Cirro.
Ugu dambeynti, madaxweynuhu waxa uu farriin u diray shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Walaalayaal; aynnu dhinac iska dhigno doonisteenna qofeed iyo danaha ka hooseeya qarannimada, una midowno himilada iyo higsiga guud ee qarankeenna, xukuumad ahaan taas ayaannu ka shaqayn doonnaa. Wadajir waxa aynnu dhisi karnaa Somaliland qurux badan, adkaysi leh, rejo run ku dhisanina u muuqato.”
In kasta oo mudane Cirro ka dhawaajiyey inay ku hawlan yihiin nabadeynta gobollada Bariga oo uu xusay inuu u xil-saari doono guddi madax-banaan, haddana waxa aan la ogeyn cidda ay xukuumaddu la yeelanayso wada-hadallada nabadeed maadaama oo dagaalka gobollada Bari yahay duullaan qorsheysa oo liddi ku ah Qaranimada dhuleed ee Somaliland.
HargeisaToday.com
Hargeysa/Somaliland