Sideebuu Guddoomiye Cirro ku qaabilay Goโ€™aanka Golaha Guurtida maanta ku soo Af-jartay Khilaafkii Golaha Wakiillada?

0

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo khudbad ka jeediyey kulan wada-jir ah oo Baarlamaanka Somaliland ku yeesheen xarunta Golaha Guurtida, kaas oo lagu soo afjaray khilaaf laba garab ukala qayb-galiyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa dhinaciisa ka hadlay dareenka uu ku qaabilyo goโ€™aanka golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii u dhexeeyay.

Sideebuu Guddoomiye Cirro ku qaabilay Goโ€™aanka Golaha Guurtida maanta ku soo Af-jartay Khilaafkii Golaha Wakiillada?Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray dhex-dhexaadinta Khilaaf Golaha Wakiillada ka soo laba-kacleeyey Sabtidii toddobaadkii hore, ayaa shalay Sabtidii soo saaray goโ€™aamo ay sheegeen inay ku soo afjarayaan Khilaafkaas, isla markaana gaadheen markii ay dhagaysteen dacwadda iyo doodda labada dhinac ee Wakiillada Khilaafku u qaybiyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka.

HALKAN KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYE CIRRO GO’AAMADA KA DIB