Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda JSL,Md.Xuseen Axmed Caydiidย ย ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhismayaal Cusub oo lagu kordhiyay Maxkamada Degmada iyoย ย ta Gobolka Maroodi Jeex oo ay Maalgalisay UNDP.
Dhismayaashan oo ka kooban Xafiisyo iyo Hoolal loogu talagalay in lagu qaado dacwadaha ayaa Wasiirka wasaarada Cadaalada JSL,Md.Xuseen Axmed Caydiidย ย oo ka hadlay ayaa sheegay in dhismayaashani ay wax weyn ka tari doonaan Cidhiidhigii xaga Maxkamadaha isla markaana uu laamaha garsoorka u fududayn doono sidii Bulshadu uga heli lahayd adeegย ย Hufan .
Waxaa sidoo kale Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadaย ย Sare JSL,Dr.Yusuf Ismacil Cali oo ugu Mahadnaqay Hayโada UNDP, dhismayaashan cusub ee ay ku kordhisay Maxkamadaha Gobolka M.jeex iyo ta degmadaba waxaanu xusay inay wax weyn ka tari doonaan baahiyihii ka jirtay dhinaca Garsoorka iyo dhegaysiga dacwadaha.
Waxaa iyanaย ย halkaasi ka hadlay Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka,iyo wakiilka Hayโada UNDP, Mr.Istifin oo labaduba ka warbixiyay Muhiimada ay dhismayaashani u yeelan doonaan Maxkamadaha Gobolka iyo Degmada.
Geesta kale xaflad lagu soo bandhigay qorshaha shanta sano ee soo socda ee nidaamka garsoorka ayaa lagu soo bandhigay Huteelka Ambasadoor ee Magaalada hargeisa.
qorshahan ayaa oo ay si wadajir ah u sooย ย qabanqaabiyeen hayโada UNDP iyo wasaarada Cadaalada ee jsl,ayaa wasiirka wasaarada cadaalada JSL, Wasiirka wasaarada Cadaalada JSL,Md.Xuseen Axmed Caydiidย ย oo xafladaasi ka qayb galay ayaaย ย waxaa uu xusay in wasaarada Cadaaladu wax weyn ka badeshay Nidaamkii Garsoorka isagoo intaasi ku daray inay arrintani daba socotay ka midho dhalintii Balanqaadkii kulmiye uu ku galay xiligii doorashada madaxtooyada kaas oo taabanayay in dacwadaha dadka ka dhexeeya si xaq ah loogu garsooro.
ย wasiirku wuxuu hoosta kaย ย ย xariiqay in xisaabtan iyo dabagal lagu sameyn doono Garsoorka wadanka si loo helo hanaan daacadnimo isla markaana loo saxo iyoย ย ย ย dhaliisha ay mujtamacu ka qabaan hayโadaha garsoorka ee wadanka .
Waxaa kale oo Wasiirka wasaarada Cadaalada JSL,Md.Xuseen Axmed Caydiidย ย uu intaasi ku daray in Qorshahan shanta sano ay ku tala jiraan sidii ay u meelmarin lahaayeen.
Dhinaca kale waxaa xafladaasi ka hadlayย ย ย Gudoomiyaha Maxkamadaย ย Sare Dr.Yusuf Ismaciil Cali,oo xusay in shacbiga loogu adeego Cadaalad iyoย ย ย ย ย ย ย xaqsoor dhab ah, iyadoo uu xusay in Muwaadinku uu xaq u leeyahay in la dhowro xaqiisa.
Uguย dembeyntii waxaa xafladaasi lagu soo bandhigay masrixiyad aad u xiiso badan oo ka turjumaysay garsoorka ka leexda xaqa iyo garsoorka wanaagsan.
Waxaaย ย xafladaasi ka soo qayb galay Masuuliyiin sare iyo saraakiil ka kala socotay Hayโada UNDP,Ciidanka Asluubta iyo Madax badan oo ka kala socday Hayโadaha dawlada.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net