Calcuta, (SLpost)- Ugu yaraan 73 ruux ayaa ku dhintay wadanka Hindiya kadib markii uu dab kakacayย ย cusbitaal ku yaala magaalada dhinaca bari ku taala ee Kalkata.
Saraakiishaย ย ย xukuumada ayaa sheegay , Baddi dadka mashaqadaasi ku qudh-baxayย ย in ay ahaayeenย ย dadkii bukaan jiifka ahaa ee cusbitaalka ku jiray, kuwaasi oo ku dhex go,doomay dabkaasi qabsaday cusbitaalkaasi oo lagu magacaabo AMRI.
Dabkaasi ayaa bilaabmay arooryadii hore ee maanta oo Jimce ah. Kooxaha dab damiska ayaay muddu shan saacadood ah ay ku qaadatay in ay ku bakhtiiyaan dabkaasi ka kacay cusbitaalkaasi, kaasi oo ka koobnaa dabaqyo isdulsaarnaaย ย .
Madaxaย ย maamulka gobolkaย ย ย West- Bengalย ย ,ย ย Mamata Banerjee , aya sheegay in ruqsadii lagala noqday cusbitaalkaasi ay dadka badani ku leโdeen kadib markii uu dabkuย khasaaraha weyn u geystay .
Waxaanay masuuliyiintu sheegeen in arintaasi ay tahay dambi aan la saamixi kareyn , isla markaana cidii ka masuul ah la marin doono ciqaab adag.Waxaana laga cabsi qabaa in tirade dhimashadu ay sare u sii kacdo.
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net