Maansadan oo sooย baxday 7-12-2011 waxay iftiiminaysaa xeel dheerida murtida iyoย xilkasnimada hal abuurka,ย dadka Alle ku manaystayna qofba in uu si ugu adeegto shar iyo khayr, xumaan iyo samaan,ย duudsi iyoย sinaanย balse qofkastaa meeshu doono hala maro e in ay ku tahay xujo iswaydiini ka danbayso qofkastaaba wuxuu dhitaysto ayuu yeelanayaa waajib baana ka saaran inย gudashadeeda iyo ilaalinta sumcadeedaba waxaad moodaa in ย marba marka ka danbaysanย dunidaย samuhu ku sii yaraanayoย intaย ilaahay ku galaday waxa looga baahanyahay inaanayย xaquuqdeeda ilaaliyaan mana habboona inย niyad jab la muujiyo hadal iyo murti maansadu waxay ku bilaabmaysaa
Gocashiyo xasuusiyo
Mahadhada gudbaysiyo
Murtiyeey gob deeqeey
Gacal tuu wadagee
Guryo samo jeclaydeey
Sida gaawe caana ah
Galad laysu dhiibiyo
Godal iyo barwaaqiyo
Gaax iyo irmaaneey
ย Nimcadii guyaadiyo
Godankiyo xareediyo
Gaxadhkiyo ugbaadkiyo
Hoobaan la goostaay
Gudbisada aqoontiyo
Garashada islaamkiyo
Gilgishada asluubtaay
Marna gurintir yaabliyo
Gudcur iyo humaagiyo
Gabgab iyo isqaadiyo
Galdaloolo badanneey
Tacolaada gudhisee
Gogol xaadhka fidisee
Gayigaba midaysee
Godob reebta noqotaay
Marna gacalo dooxiyo
Golxof loo afaystiyo
Warmihiyo garnaylkiyo
Gishigaamka laayiyo
Burbur iyo gumaadeey
Ta gumaysi diiddee
Gobonimo ku dirirtaay
Taqabiilka goysee
Geediga ka rarataay
Tagaraadka badanee
Gadhcadaha xishmaysee
Goolwacan ku taagtee
Guurtidu ku hirataay
Tagaliinka jamatee
Martidana u gogoshee
Yarad lagu gudoomaay
Tagayaanku doonee
Guurdoonku qaadee
Geenyada horqabatee
Geel lagu aroorshaay
Tagabaati noqotee
Guri lagu yagleelee
Gole lagu ilaystee
Aqal lagu gangaamay
Marna gole ka fuuliyo
Gibladiyo cayaartiyo
Gadgadoonka luuqdiyo
Galbiskiyo mashxaradiyo
Gurdan raaca sacabkee
Gabdho loogu heesaay
Tagarsoorka wacanee
Ina kala guraysee
Garyaqaanku sheegaay
Ta go’aanka fulisee
Gadh hayaha la talisee
Gambisee af qabatee
Garabkaba ka jabisee
Gudin laba aflaysaay
Marna gaalo lagadiyo
Gudbantii darwiishkiyo
Gadoodkii hargaysiyo
Gaashaanka adagiyo
Cadhadiyo galiilyiyo
Ciil iyo gubtahanyooy
Tagamaan ku joogtee
Gelin hore mirsiisee
Geeraar ka tirisaay
Tagaboodka noqotee
Giiryaale celisee
Geesiga xasilisee
Goombaar ka durugtee
Gaarida la socotaay
Marna geed sumeediyo
Gabangoobi halisiyo
Goblan iyo barooriyo
Guluf iyo colaadeey
Taxumaa ka gubatee
Gogol dhaafka necebee
Gaabsiga fashilisaay
Marna garangar muuniyo
Gudintiyo hangoolkiyo
Hayinkiyo gadhqabadkiyo
Gaadiidka noqotaay
Bulsho geediyaysaad
Gurgurshaa u tahayoo
Ana kaama gaabshee
Inta uu xil gaar ahi
Guudkeena sudhanyahay
Gam’i mayno nuuroow
Intaan gaaniyow nahay
Sida guumihii berri
Marba dhinac isula guday
Garo oo xalleefoow
Guubaabadaydiyo
Waxan uga gol leeyahay
Googaa ku soo sheeg
Adna galawga qayshiyo
Guuguule yeedhoow
Gudbi maansaddaydoo
Inta gabayga tirisiyo
Hal abuurka geeskiyo
Dunidoo dhan gaadhsii