Hargeysa, (SLpost)β Suldaan Cilmi Rooble Furre, Taliyihii hore ee Ciidamada booliska Somaliland, ayaa soo jeediyey baaq nabadeed ku aaddan falkii dhawaan dadka lagu laayey isla markaana tacsi u diray qoyskii, ehliyaddii iyo dhammaan shacabka Somaliland ee ay ka baxeen.

Suldaanku waxa uu baaqiisan u diray deegaannada ay ka soo kala jeedaan dadka la laayey iyo kuwa wax dilay, waxaanu ku booriyey dadka dhibaatadu soo gaadhay inaanay wax tallaabo ah qaadin inta baadhitaanku socdo ee xukuumaddu ku dabo jirto gacan ku-dhiiglayaasha iyo ciddii ku lug lahayd falkaas, iyada oo taasi, sida uu sheegay, ay daawo u tahay walaalnimada, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland.
βSidaan wada ognahay madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed (Siilaanyo) ,isagoo aad uga tiiraanyaysan Dhacdadaasi xun ee lama filaanka ah, waxa uu ka soo saaray amar ciidan la siiyo kii sidaΒ Β aan aaminsanahay ugu cuslaa, taasoo salka ku haysay in hawl kasta oo ay ku kacayso gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaashi dikaasi geystay caddaaladdana la horkeenno,β ayuu yidhi Suldaan Furre.
Suldaan Cilmi Rooble Furreh waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhinaca loo tirinayo eedaha falkaasi inay gacan buuxda ku siiyaan ciidamada baadhista wada si xal dhakhso ah loo helo.
Suldaan Furre waxa uu geesta kale hadal aan meesha leβekeynΒ Β ku tilmaaamay hadal ka soo yeedhay Suldaan Aaleebaan cali, kuna soo baxay mid ka mid ah wargeysyada dalka kaasi oo uu ku sheegay in dhibaatada dhacday uu qayb ku leeyahay Muuse Biixi Cabdi oo ah guddomiyaha Xisbul-xaakimka talada dalka haya, Β oo isagu baaqii ugu horreeyey ee lagu canbaaraynayo ka soo saaray dhacdadaasi foosha xumayd isla markaana ku guubaabinayay inay dhakhso wax uga qabato cid kasta oo ay khusayso arritaasi.
βWaxaan Suldaanka odhan lahaa walaalΒ waxaa fiican in madaxda dalka Laga dhawro weedhaha xanafta leh ee aanay waxba ka jirin, maadaama aan nahay odayaashii iyo madax dhaqameedkii bulshada kana fogaanno,β ayuu yidhi Taliyihii hore ee ciidamada booliska Somaliland.
Isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu yidhi, βWaayo, waxaaan ka war qabnaa inuu hore iyo danbaysaba Muuse Biixi qayb weyn ku lahaa nabad ka aslaaxinta beelaha walaalaha ah ee deeegaanadaasi, wax badan-na ka soo shaqeeyay. Waa shakhsi aan runtii aaminsanahay inaanu jirin albaab aan wanaaag ahayn oo uu kasoo gali karo. waxayna tahay in la ilaaliyo xushmadda iyo karaamada madaxda dalka.β
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net