Mecca (SLpost)- Waxa maanta loo dabbaal-degay munaasibadda Ciidul-Adxa oo soo gebo-gabaysay gudashada Waajibaadka Xajka in ka badan 2 Milyan oo Muslimiinta Caalamka oo magaalada Mecca u tagay Gudashada Waajibaadka oo ah Rukniga Shanaad ee Diinta Islaamka.
Halkan waxa aanu idinku soo bandhigaynaa Muuqaallo bilic leh oo laga soo qaaday Malaayiin Muslimiin ah oo Masaajidka Barakaysan ee Xaramka ku gudanaya Faralka Shanaad ee Diinta Islaamka oo qofka Muslimka lagu waajibiyey inuu ugu yaraan Hal mar gudan karo haddii uu awoodo dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaanba.
Bahda Shabakadda Somalilandpost.net waxay akhristeyaashooda iyo umadda Muslimka ahba gaar ahaan umadda Soomaaliyeed u soo xuleen sawirradan bilicda leh oo laga soo qaaday Baytu-laahi Xaram.
GUJI HALKAN SI AAD U DAAWATOย QAYBTA 2AAD EE SAWIRRADA