Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa ka warramay natiijada shir caalami ah oo ay kaga qaybgaleen dalka Turkiga iyo faaโiidada shirkaas uga soo baxday Somaliand.
Labada wasiir oo madaarka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa warbaahinta kula hadlay waxay sheegeen in shirkan oo ah mid maalgashi oo sannad walba meel dunida lagaga qabto, lagaga hadlayey soo saarista khayraadka aan weli lala soo bixin iyo isdhexgalka si looga wada faaโiidaysto, isla markaana muddo laba maalmood ah oo uu socday ay uga faaโiidaysteen inay shirkado iyo dad badan oo kale ka dhaadhiciyaan Somaliland iyo khayraadka ku duuggan.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa sheegay inay ku guulaysteen shirkado badan oo danaynaya maalgashiga Afrika inay fahansiiyaan Somaliland oo ay qorshaysteen inay yimaadaan ama ka qaybgalaan shirka maalgashiga Somaliland ee lagu qaban doono dalka Ingiriiska.
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa isna xusay inay shirkaasi kula kulmeen masuuliyiin badan oo ka kala socday caalamka.
HALKAN KA DAAWO