Madaxweyne Siilaanyo oo digreeto uu soo saaray ku abuuray Ciidanka ilaalinta Sahanka iyo Soo-saarka Shidaalka

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne dhaqan geliyey aasaasida Ciidanka ilaalinta ammaanka goobaha laga wado sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee dalka, kaas oo maamul ahaan hoos-tagi doona taliyaha Ciidanka Booliska oo la tashanaya Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo_TurkigaCiidanka Ilaalinta Sahaminta iyo Soo-saarista Kheyraadka dalka, ayaa laga soo dhex-xuli doonaa ciidamada Booliska iyo Milatariga Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo lagu shaaciyey Xeerka madaxweynaha ku abuuray Waaxda Ilaalinta Sahaminta Kheyraadka dalka ee Ciidanka booliska oo sumadiisu tahayย JSL/M/XERM/249-2800/092014, ayaa qornaa sidan:

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ย ย ย ย  Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ย ย ย ย ย ย ย ย  Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee ย ย  Ciidammada Qaranka;ย ย 

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda ย ย ย ย ย ย ย ย  Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay ย ย ย ย  masโ€™uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay:ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka ย ย ย ย ย ย  debiiciga ah iyo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ย ย ย ย ย ย  ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka; ย ย 

Wuxuu Goโ€™aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalkaย (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), ย Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”

Shirkadaha xukuumaddu heshiisyahada kula gashay sahaminta shidaalka iyo kheyraadka oo qaarkood ka hawl-galeen dalka isla markaana ay joojiyeen hawlihii ay wadeen ka dib cabsi ay ka muujiyeen amni-darro ka jirta deegaannada, ayaa xukuumadda shuruud kaga dhigay hirgelin ciidan u gaar ah oo ilaaliya goobaha shidaalka laga baadhayo, shaqaalahooda iyo agabka ay ku shaqaynayaan.

SOMALILANDPOST.NET