Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa noqday qofkii u horeeyey ee lagu furo Diiwaangelinta MadanigaΒ oo si tijaabo maanta loogu qabtay Xarunta guriga shaqaalaha ee Hargeysa.
Diiwaangelinta Muwaadinka oo la filayo inay dhawaan si rasmi ah uga bilaabmato dalka, waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/04/2014 si tijaabo ah u qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrrada.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada oo qaatay Kaadhka muwaadinimada, waxa uu iska diiwaangeliyey Xarunta hayβadda shaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa la siiyey kaadhka muwaadinimada ka dib markii uu la xaqiijiyey inuu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay qofka muwaadinta buuxiyey shuruudaha muwaadinka.
Masuuliyiinta kale ee Kaadhka Diiwaangelinta Qaatay, waxa ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhammaantood la mariyey Shuruudaha looga baahan yahay qofka Muwaadinka ah.
Diiwaangelinta Madaniga ah oo maamulkeeda ay xukuumaddu gacanta ku hayso isla markaana ay bixinayso Kharashka ku baxaya, ayaa la filayaa todobaadyada soo socda inay si rasmi ah uga bilaabmato gobollada dalka, qof kasta oo is-diiwaangelinaya oo la xaqiijiyo inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay waxa uu fursad u helayaa inuu helo dhammaan xuquuqda muwaadinku ku leeyahay dalkiisa oo codbixinta doorashooyinku ugu muhiimsan tahay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA