Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay baasaboor Cusub oo nooca Electrooniga ku shaqeeya (E-Passport) oo dawladdaha Somaliland yeelanayso.
Munaasibad loo sameeyey bandhig lagu shaaciyey Somaliland E-Passport,ย ayaa lagu qabtay xarunta guud ee Laanta Socdaalka Somaliland (Immigration Department) oo maamul ahaan hoos-tagta wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa ka sokow madaxweynaha, wasiirrada Daakhiliga, Maaliyadda, taliyaha Laanta Socdaalka iyo masuuliyiin kale.
HALKAN KA DAAWO