Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shaaca ka qaadday inay dhowaan dalka ka hirgelinayso addeegga Boosaha oo 25-kii sanno ee ugu dambeeyey aan waddanka laga isticmaalin tan wakhtigii ay bur burtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, wakhtigaas oo Somaliland ka mid ahayd dal-weynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaaย shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka ka hirgelinayaanย adeegii Boosaha, kaasiย oo xiliganย baahi weyn loo qabo.iyada oo aanu muddo badan shaqaynin adeegaasi.
Waxaanu sheegay Md. Faysal in ay ka wasaarad ahaan dadaal dheer u galeen sidii ay u soo celin lahaayeen adeega Boosaha, iyaga oo la kaashanaya qaar ka mid ah shirkadaha is-gaadhsiinta, isaga oo tilmaamayย in Somaliland uu adeega Boostadu ka jirayย ka hor markii ay gobanimadeedda qaatay, hase yeeshee xiligan oo la marayo wakhti casri aanu adeegaasi ka jirin.
Faysal Cali Sheekh Maxamed,ย Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiintaย oo u warramay warbaabinta Afka dawladda ku hadasha, waxa kale oo uu sheegay in ayย wadaan qorsheyaal ay ku horumarinayaan hawlaha ay wasaaradu masuulka ka tahay, si ay u noqoto wasaarad muhiim u ah qaranka.
ย
ย Agaasimuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlayaynaย waxa uu yidhi โWaxa noo qorshaysan dhawaan oo uuย ku talloย galkayagu yahay in aanu soo celino adeegiiย Boosta. Waxaanu ku tallo jirnaa wixii awoodayadaย ah in aanu samayno, wasaaradunaย ay noqotoย wasaaradda ugu mihiimsan marka loo eego wasaaradaha kale. Waxa jira shirkado gaar loo leeyahayย oo iyagaย laftooda ka wada hadli doono sidii aanu u wada shaqeyn laheyn,ย anagoo aan cabudhineyn shirkadaha gaarka loo leeyahay.โ
Mar uu ka hadlaayay taariikhda dhinaca Boosaha ee Somliland waxa uu yidhi โ1920-kiiย ayaynu lahayn adeega Boostadda, maanta ooย aynu maryano 2014-kiina run ahaantii Boos shaqaysa ma lihin,ย waxaana aynu ku dedaali doona inaynu Boos sameysano.โ
Agaasimaha guud waxa kale oo uu ka hadlay xarun cusub oo loo dhisay wasaaradda Boosaha oo uu sheegay in ay dhawaan ku hawl gali doonaan. waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan keeni doonaanย qalab casri ah oo wax ka tari doona ilaalinta cashuuraha iyo isku xidhka shirkadaha telefoonada. โDhismaha wasaaradani ku jirto waxa la dhisay sanadkii 1944-kii, meeshaasina mahaa meel lagu shaqeyn karo. Waxa noo hirgashay inaanu dhameystiro xarun aad u balaadhan oo ka kooban labaatan xafiis, kuwaas oo lehย waxyaabihiย looga baahnaa oo dhan. Waxa noo qorshaysan inaanu keeno qalab cusub oo dhinaca isgaadhsiinta wax lagaga qabanaayo, haday tahay cashuurahaย iyo haday tahay isku xidhkaba. markaa run ahaanti hawlahaasi way noo qorshaysan yihiin.โ Ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Boosaha.
Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaaย ย dar-daaran u soo jeediyay shirkadaha is-gaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay, isaga oo tilmaamay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasaaradda Boosaha.
โHadaanu nahayย wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta waxaanuย leenahay shirkadaha gaarka loo leeyahayย aynu wada shaqeyno, maadaama hal bawlaha dhaqaalaheenu yahay isgaadhsiinta,ย ย oo shaqaalaha ugu badanina ay ka shaqeeyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay,โ ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh.
SOMALILANDPOST.NET