Monaco (SLpost)- Waxa mar-dhawayd lagu dhawaaqay Isku-aadka Groups-ka ee tartanka Kooxaha Horyaallada Qaaradda Yurub (Champions League) oo xafladda lagaga dhawaaqay hadda ka socoto magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.
32-ka Kooxood ee tartanka Champions League Xilli-ciyaareedka 2014/2015 waxa ku cusub kooxo yar-yar oo aan hore uga qayb-qaadan tartanka iyo qaar mar kale ku soo laabtay sida Liverpool.
Wax badan kama duwan qaabka isku-aadkii sannadki hore, iyada siddeedda Group ee 32 kooxood loo qaybiyey ay hoggaaminayaan kooxihii sannadkii hore, waxaana xusid mudan in Siddeedda Group intooda badani ay u dejisan yihiin qaabkii sannadkii 2013-kii isla markaana ay mar kale isku beegmeen ama ay Isku-group kuwada jiraan, sida kooxaha Machester City iyo Bayer Munich, Borussia Dormund iyo Arsenal, Barcelona iyo PSG.
Halkan ka akhriso 8-dda Group iyo sida ay Kooxuhu Isugu beegmeen.
ย
GROUP A:ย ย
Atletico Madrid (Spain
Juventus (Italy)
Olympiakos (Greece)
Malmo (Sweden)
GROUP B: ย ย ย ย ย ย ย
Real Madrid (Spain)
FC Basel (Switzerland)
Liverpool (England)
Ludogorets (Bulgaria)
GROUP C: ย ย ย ย ย ย ย ย
Benfica (Portugal)
Zenit (Russia)
Bayer Leverkusen (Germany)
Monaco (France)
GROUP D: ย ย ย ย ย
Arsenal (England)
Borussia Dortmund (Germany)
Galatasaray (Turkey)
Anderlecht (Belgium)
GROUP E: ย ย ย ย ย ย ย
Bayern Munich (Germany)
Manchester City (England)
CSKA Moscow (Russia)
Roma (Italy)
GROUP F: ย ย ย ย ย ย ย ย
Barcelona (Spain)
PSG (France)
Ajax (Netherland)
APOEL (Cyprus)
GROUP G: ย ย ย ย ย ย ย ย ย
Chelsea (England)
Schalke (Germany)
Sporting Lisbon (Portugal)
Maribor (Slovenia)
GROUP H: ย ย ย ย
Porto (Portugal)
Shakhtar (Ukraine)
Athletic Bilbao (Spain)
BATE (Belarus)
Dhinaca kale, Group-ka ugu Adag ee loo aqoonsaday inuu yahay GROUP OF DEATH , ayaa ah Group-ka Eย oo ay ku wada-jiraan Kooxaha Bayern Munich, Manchester City, CSKA Moscow iyo Roma.