Gaza/Irbil (SLpost)- Diyaaradaha dagaalka ee Israaβiil, ayaa mar kale weerar cirka ah ku qaaday magaaladda Qaza ka dib markii uu burburay heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeyey labada Xamaas iyo Yuhuudda.
Labada dhinac ayaa hore ugu heshiiyay 72 saacadood oo xabad joojin ah, hasayeeshee gelinkii dambe ayay Ciidamada Israaβiil Weerar cirka ku qaadeen Magaaladda Qaza, waxaana inta la hubo weerarkaas ku dhintay wiil yar oo 10 jir ah, kaas oo uu cuskaday hoobiye wakhti uu ku jiray Masjid.
Inta badan sawaariikhda ay ciidamada Israaβiil ku tuurayaan Marinka Qaza, ayaa cuskaday goobo bannaan, waxaanay dhulka la simeen Masjidka lagu magacaabo Nour al-Mohammadi oo ku yaala Magaalada Qaza.
Illaa immika ma jiro wax waan-waan oo ah labada dhinac laga dhex wado, waxaanay dadka reer Qaza xalay gabal ugu dhacay duqeymaha diyaaradaha iyo Tawaangida Yuhuudda.
Dhinaca kale, diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka, ayaa duuqeyn labaad shalay ka fuliyey woqooyiga Dalka Ciraaq oo gacanta ugu jira Kooxda Islaamiyiinta ah ee ISIS oo rabitaankoodu yahay inay dawlad Islaami ah ka hirgeliyaan deegaamo ku yaala Woqooyiga Ciraaq iyo Woqooyi-Bariga Suuriya.
Weerarka Maraykanku ku qaaday kooxda ISIS, waxa uu ku sabababeeyey mid ay ku difaacayaan bulshooyinka Kiristaanka, Jaziidiyiinta iyo caasimadda gobolka Kurdistan ee Irbil oo ay sheegeen in kooxda ISIS khatar ku hayaan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Marakanka, ayaa sheegay in weerrarada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan Woqooyiga Ciraaq ay socon doonaan muddo todobaaddo ah.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa la sheegay inuu bixiyey amarka duqeymaha laga fuliyey deegaamada ay ka taliyaan dagaalyahannada ISIS oo la sheegay inay khatar ku hayaan magaalada Irbil ee xarunta gobolka Kurdistan oo Maraykanku ku leeyahay Cunsuliyad iyo Xarun ay si wada-jir ah uga hawl-galaan ciidamo Maraykan iyo Ciraaqiyiin isugu jira.
Somalilandpost.net