Macnaha bisha barakaysan ee Ramadaan marka aynu ku qeexayno luuqadda uu ka soo jeedo erayga “Ramadaan” ee luuqadda af-carabiga waa: in aad ka joogsato dhamaan wixii aad fali jirtay af iyo adinba .
Diinteena islaamka waxa ay aad uuga warantay bisha barakaysan ee Ramadaan, waxa ayna sharci ahaan tahay ” in aad joojiso cunnada , cabitaanka , laga bilaabo saqda dhexe marka uu cirku caddaado adiga oo aaminsan niyaddana ku haya inaad dar ilaahay(S.W.T) u soomantahay, ilaa laga gaarayo waqtiga ay godka gasho cadceeddu”. ย Kaliyaata maaha Ramadaan in aad ka soonto cunnada amaba cabitaanka ee waa in aad ka soonto xataa hadalka aan khayrka ahay , dheeldheelka , kaftanka, fiirsashada cayaaraha ,dhagaysiga heesaha,siyaasadda,xanta ,u raxlaynta bini-aadmiga , waxa uu ilaahay (S.W.T) qur’aankiisa kaga waramay ย “ููููููู ููุงุดูุฑูุจูู ููููุฑููู ุนูููููุง ููุฅูู ููุง ุชูุฑูููููู ู ููู ุงููุจูุดูุฑู ุฃูุญูุฏูุง ูููููููู ุฅููููู ููุฐูุฑูุชู ูููุฑููุญูู ููู ุตูููู ูุง ูููููู ุฃููููููู ู ุงููููููู ู ุฅูููุณููููุง Aya-26.” isaga oo ku tilmaamay ilaahay (S.W.T) soonka xataa hadalka in laga soomo, saan hore u soo sheegnay.
Waa tiirka afarraad ee tiirarka islaamka ย , waxa laynagu faral yeelay bishii “shacbaan” sanaddii labbaad ee “hijrada” rasuulku (N.N.K.H) ka hijrooday makkah uuna hijrooday madiina .Waxa uu rasuulku (N.N.K.H) aad inoogu booriyay in aynu u guntanno bisha Ramadaan ka faa’iidaysigeeda .
Bisha Ramadaan waxa ay dheertahay bilaha kale astaamo fara badan , ku waas oo uu rasuulku (N.N.K.H) sheegay ู ู ุตุงู ุฑู ุถุงู ุงูู ุงูุง ูุงุญุชุณุงุจุงุ ุบูุฑ ูู ู ุง ุชูุฏู ู ู ุฐูุจูุ ูู ู ูุงู ูููุฉ ุงููุฏุฑ ุฅูู ุงูุง ูุงุญุชุณุงุจุงุ ุบูุฑ ูู ู ุง ุชูุฏู ู ู ุฐูุจู. ุฑูุงู ุฃุจู ูุฑูุฑุฉ” Qofka sooma iimaan leh una diyaar garoobay, waxa uu alle (S.W.T) ka dhaafaa wixii damdi uu hore u soo falay, qofka u kaca habeenka qadriga iimaan leh una diyaar garoobay, waxa uu ka dhaafa alle (S.W.T) wixii dambi uu hore u soo falay.
Waxa uu waliba ka warramay markale rasuulku (N.N.K.H)isagoo yiri:”ุฃุชุงูู ุฑู ุถุงู ุดูุฑ ู ุจุงุฑู ูุฑุถ ุงููู ุนุฒ ูุฌู ุนูููู ุตูุงู ูุ ุชูุชุญ ููู ุฃุจูุงุจ ุงูุณู ุงุกุ ูุชุบูู ููู ุฃุจูุงุจ ุงูุฌุญูู ุ ูุชุบู ููู ู ุฑุฏุฉ ุงูุดูุงุทููุ ููู ููู ูููุฉ ุฎูุฑ ู ู ุฃูู ุดูุฑ” Waxa idiin bilatay bil barakaysan , oo alle (S.W.T) idinku waajib yeelay inaad soontaan,waxa la ballaqayaa albaabada samada , waxa la xidhayaa albaabada naarta, waxaa la xidhayaa shayaadiinta, walaahi baan ku dhaartee :”waxaa ku jira habeen ka khayr badan kun(1000) bilood” rasuulka (N.N.K.H) ayaa dhaartaa ku dhartay.
Soonka waxa uu leeyahy labo(2) tiir oo kala ah: af-xidhananta aad ka af-xidhantahay cunnada iyo cabitaanka iyo niyada.
Cidda uu ku waajibayo soonku waa ; Qofkasta oo caqli leh ,qaan-gaadh ah,oo islaama.
Waxana uu ku ansaxayaa soonku qofka wax kala garanaya , caqliga u saaxiibka ah, aan waalnayn macnaha,haweenayda aan lahayn caaddada ama dhiiga dhalmada . …..La soco qaybaha dambe.
Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.
Guuleed_madar@hotmail.com
Frankfurt, Germany