Hargeysa (SLpost)- Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiyo ee Maxamed Maxamuud Kastan oo caan ku ahaa (MM Kastan), isla markaana ahaa Qoraa iyo Suxufi Ruug-caddaa ah oo ka mid ahaa xubnihii seeska u dhigay Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, ayaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyey Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga magaalada Hargeysa, ka dib markii uu shalay Fiidkii ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa.
Xubno ka mid ah Ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland ee ay soo wada-shaqeeyeen Marxuumka iyo Shakhsiyaadย aqoon dheer u lahaa MM Kastam ayaa ka war-bixiyeyย taariikh-nololeedkiisii iyo shaqsiyaddii Allaah ha u naxariistee Marxuumka.