Inaynu nahay addoomo ilaahay waynu wada ogsoonnahay balse waxa aad moodaa inaynaan hayn waddadii aynu ku xaqiijin lahayn adoonnimada alle (S.W.T), waqtigeeniiba Β waxa aynu ku qaadanay inaynu daba orodno magac , hanti ,iyo wax aan waxba inoo tarayn maalinta ay qorraxdu kulushahay ee dhididku hoorayo qof wal oo maalintaasi sugayso.
Waxa aad jeceshay inaad noloshan adduunyo ee gaaban aad ku noolato Β nolol dhandhan leh , aakhirana aad ku raaxaysato daarta lagu waarayo ee jannada.
Qofka cabsi hayso ee ka walwalsan naarta uu alle (S.W.T) inooga digay ee raba inuu ka nabad galo dhibaatada maalinta gabo-gabada aduunka kuna raaxaysto daarta lagu waarayo ee jannada ,waxa aad dhugataa waxyaabaha nabigeenii (N.N.K.H) uu inoo sheegay inay kuu horseedi karaan inaad jannada waaritaanka ku gasho.
Walaalkayga/walaashayda. muslinka ah waxa jira ilaa lixdan waxyaabood oo sodon Β (30)Β ka midaΒ waxyaabahaa oo kuu horseedi kara jannada alle(S.W.T) waa kuwan ee dhugo walal isku day inaad naftaada ka adkaato oo aad barto lana qabsato oo ay noloshaada ka mid noqdaan.
1- weedha tawixiidka ee ah ( alle (S.W.T) mooyaane ma jiro ilaah xaq lagu caabudaa) inaad rumayso kuna dhawaaqdo waqti wal iyo goob walba.
2- In aad ilaahay (S.W.T) iyo rasuulkiisa(N.N.K.H) aad u hoggaan sanaato wixii wanaag ahna aad fasho.
3- Taqwada iyo alle kacabsiga ilaahay Β (S.W.T) inaad ku dadaasho.
4- Inaad ku toosnaato diinta ilaahay(S.W.T).
5-inaad ilaahay (S.W.T) iyo nabigeenii muxammad (N.N.K.H) iyo diinteena islaamka aad raali ka noqoto si dhabana u rumayso.
6-Inaad xifdido magacyada alle (S.W.T) ee saggaal iyo saggaashanka magac ah.
7-Inaad jeclaato suurada labo suuradood ka dambeeyaan qur’aanka ee la yidhaa Ikhlaas akhriskeedana aad joogtayso.
8-Inaad akhrisato suurada la yidhaa Tabaarig.
9-Inaad akhrisato salaadaha faralka ah kadib aayatul Kursiga suurada baqra aayadda 255.
10- inaad alle (S.W.T) dartii u dagaalanto kuna geertooyo.
11- In aad alle (S.W.T) u toobad keento.
12- In aad alle (S.W.T) dartii cilmi u doonato.
13- In aad dhisto masjid alle(S.W.T)Β lagu caabudo.
14- Inaad ku sifaysnaato dhaqan wanaagsan.
15- Inaad ka dheeraato istuska bini-aadamka .
16- Inaad ka dhawsanaato beeta xataa kaftankeeda.
17-Inay markasta waysadu kuu dhawrnaato , markastoo aad wayso qaadatana aad laba rakcadood alle (S.W.T) dartii u tukato.
18- Inaad tagto masaajidka si aad u soo gudato salaadaha faralka ah kana soo noqoto.
19-Inaad badiso ilaahay (S.W.T) dartii inaad u sujuudo.
20- Inaad aado xajka ood soo gudato hadii aad awoodo.
21- salaanta islaamka inaad faafiso,masaakiintana quudiso,qaraabadana aad xidhiidhiso, habeenkii dadku iyagoo hurdana aad salaatu layl tukato.
22-Inaad run sheeg noqoto ,balantana aad oofiso, ammaanadana aad siday tahay u guddo, xubintaada tarankana aad ilaaliso ,indhahaagana aad ka ilaaliso inaad ku fiiriso xaaraan , gacantaadana aanad wax ku dhibin .