Sydney (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Xisbiga ee dalka Ustareeliya, ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Hayโadda โThe Fred Hollows Foundationsโ oo fadhigeedu yahay dalka Australia.
Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo uu hoggaaminayo Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa xarunta hayโaddaasi ku leedahay magaalada Sydney ee caasimadda Australia kula kulmay Mr Richard Le Mesurier, waxaanay u soo bandhigeen baahiyaadka dhinaca Caafimaadka ee ay hayโaddu ka taageeri karto Somaliland.
Hayโadda โThe Fred Hollows Foundationsโ, oo dalalka soo-koraya ka taageerta Caafimaadka dhinaca Indhaha, ayaa masuuliyiinta Xisbigu ka dalbadeeen inay Somaliland u fidiyaan tabobar iyo takhasusaad caafimaadka Indhaha ah, waxaanay hayโaddu ka Aqbashay isla markaana ogolaatay 8 qof oo la siiyo waxbarasho Caafimaadka Indhaha ah.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xisbiga UCID oo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland uu hayโaddaas ka codsday deeq waxbarasho caafimaadka ah oo loo fidiyo, isla markaana ay ka aqbashay 8 qof oo hayโaddaasi u fidinayso deeq waxbarasho oo xagga caafimaadka ah.
โHay’adani waxay la dagaalanta Indho-la’aanta dunida saddexaad, waxayna ka hawl gashaa 20 waddan oo u badan Afrika, waxayna deeqo waxbarasho oo caafimaadka indhaha siisaa dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaasha (nurses) si ay cilmiga caafimaadka ee indhaha u bartaan si dalalkooda ay uga hawl galaan,โ sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Jamaal oo sharraxayey Hayโadda iyo Deeqa ay bixiso.
โHaddaba, waxa guul u soo hoyatay Somaliland ah in ay ka aqbaleen xisbiga daryeelka ee UCID in 8 qof deeq waxbarasho xagga indhaha ah ay ugu soo tababaraan Somaliland,โ ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynaha UCID.
Aqoonyahan Jamaal waxa kale oo uu sheegay, โWaxa la ogyahay in dunida aynu ku nool nahay gaar ahaan dadka dunida sadexaad boqolkiiba sagaashan (90%) uu ku dhaco cudurka indho la’aanta oo si fudud wax looga qaban kari lahaa boqolkiiba siddeetan (80%) cuduradaasi.โ
Hayโadda โThe Fred Hollows Foundationsโ oo sannadkii 1992-kii uu aasaasay Dhakhtar dhinaca Qalliinka ah, ayaa shaqadeedu tahay la-dagaalanka Cudurradda ku dhaca Indhaha ee aakhirka ku keenta Kumanaan Carruur ah oo ku nool dalalka Soo-koraya, inay indha-beelaan. Waxaanay ku taageertaa Qalabka caafimaadka Indhaha, Deeqaha Waxbarashada Caafimaadka Indhaha oo ay kala shaqayso Wasaaradaha Caafimaadka ee waddamo badan oo adduunka ah.
Taalabadan masuuliyadda Xisbiga UCID kaga midho-dhaliyeen deeqda Caafimaadka ah ee ay Somaliland uga heleen hayโaddan oo ku-dayasheeda mudan, ayaa ah mid dhiirri-gelinaysa sida ay dadku wax u qabsan karaan, iyada oo aan dawladda oo kaliya wax laga sugin ee iskaashiga dadku wax weyn ka tari karto baahiyaadka dhinaca horumarinta adeegyada bulshada ee dalka ka jira.
SOMALILANDPOST.NET