Mid ka mida Xisbiyada dalka Finland oo dawladdooda u gudbiyey Dalab ah inay Aqoonsato Madax-bannaanida Somaliland

0

Helsinki (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Biddixda ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland Marwo Kaisa Pekonen Aino, ayaa u soo jeedisay Xukuumadda dalkeedu inay aqoonsato aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland.

BARXildhibaan Aino ayaa sheegtay in labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiramaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) yihiin Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland, Siyaasadda dalkooduna saamayn ku leedahay khibraddii ay ka heleen Finland.

War-Saxaafadeed ay shalay soo saartay Ms. Aino ayey ku sheegtay inay gudbisay suโ€™aal la xidhiidha in Xukuumaddoodu raadin karto fursadihii iyagoo la kaashanaya waddamada kale ee Yurub sidii Somaliland lagu aqoonsan lahaa.

โ€œSomaliland oo Madax-bannaanideeda la soo noqotay 18, May, 1991, illaa maanta ma jiro waddan aqoonsaday madax-bannaanidooda, inkastoo muddo dheer ay kala gaar ahaayeen Soomaaliya. Somaliland waxay leedahay nidaam dimuquraaddi shaqeynaya, Madaxweyne la doortay.

Nidaamka dimuquraaddiga Somaliland dhinacyo badan wuxuu u muuqdaa mid laga bartay Finland, labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradku waa Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland, Siyaasadda dalkoodana ay saamayn ku leedahay khibraddii ay ka heleen.

Wax dhibaato ah uma arko in Finland aqoonsato Madax-bannaanida Somaliland noqotana waddamada ugu horreeya Midowga Yurub.โ€ ayey War-Saxaafadeedkeeda ku tidhi Xildhibaan Kaisa Pekonen Aino.

 

XIGASHO: HIMILO