Urur-siyaasadeedka Wadani oo Qalab Isboorti ku caawiyey Xulka kubadda Cagta Gobolka Maroodi-jeex

0

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro ), ayaa shalay qalab Ciyaareed ugu deeqay xulka gobolka Maroodi-jeex uga qaybgalaya Koobka Kubbadda Cagta gobollada dalka oo ka dhici doonaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Munaasibad lagu qabtay Xafiiska urur-siyaasadeedka Wadani ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha ururka iyo Xasan Waraaba-cadde oo ka mid ah qurbo-joogga dalka iyo tababaraha xulka gobolka Marooji-jeexย  Diridhaba, taageerayaasha Ururka Wadani iyo Marti sharaf kale.

Ugu horren Xasan Waraaba-cadde oo xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawayno qalabka ciyaareed ee urur siyaasadeedka Wadani ku caawiyey xulka gobolka Maroodi-jeex uga qaybgalaya koobka gobollada isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi; โ€œWaxay xafladani ku saabsantahay gobolka Maroodi-jeex oo codsi u keentay gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeed Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isaguna ka aqbalay codsigaas.โ€ Xasan Waraabe Cadde waxa uu hadalkiisa sii raaciyey; โ€œWaxaan filaya in waxa lagu tartamo inay Berri ogaadaan dhalinyaradu, sidaan beri dhowaydba aan ku celinayay codsigaas oo ahaa kubbado iyo Dirays tababarayaashu leeyihiin, intani waa wax yar oo kooban. Laakiin, waxaan filayaa in dhaliyarada mustaqabalka dhow wax wayn la tari doono.โ€

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka Wadani, Md. Cabdiraxmaan-Cirro, oo Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in qalabkan ciyaareed ay iska soo ururiyeen haweenka, dhalinyaradd iyo taageerayaasha kale ee Wadani, si ay ugu caawiyaan xulka gobolka Maroodi-jeex. โ€œWaxa farxad weyn ii ah iyo ururka Wadan inaanu maanta (Shalay) halkan ku guddoonsiino tiimka uga qaybgalaya Ciyaaraha gobollada, gobolkaย  Maroodi-jeex qalab Isboorti oo kooban oo aannu ugu talogalay inay ku aalamiiteeyaan xulku.โ€Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray oo yidhil;ย  โ€œRuntii deeqda yar ee kooban waxay ka timi habeenka iyo dhalinyaradda iyo taageerayaasha Wadani oo wax yar iska ururiyey ayaannu maanta iyada oo ay degdeg ahayd aannu ugu deeqnay xulka gobolka Maroodi-jeex u melatay koobka gobollada.โ€

Gebagebadii xafladdaas waxa ka hadlay Shabcaan Cabdi Muxumed oo ah Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Balligubadle oo iska casilay xilkii uu u hayey xisbiga UCID kuna biiray urur-siyaasadeedka Wadani, waxaanu yidhi, โ€œLaga bilaabo maanta (Shalay) waan iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga UCID oo waxaan taageeradaydii ku biiriyey urur-siyaasadeedka Wadani. Aniga oo ayย  ii soo wakiisheen garabkii dhalinyarada, garabkii haweenka iyo garabkii odayaashu ย ee gobolka Hawd waxaanan leeyahay dhammaantayo waxaannu ka mid nahay urur-siyaasadeedka Wadani, halkanna waxaan u soo doontay astaanta iyo Calanka Ururkaโ€

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net