Hayโ€™ada USAID oo lagu eedeeyey hawlo basaasnimo ah

0

USA (SLPOST):- Hogaanka hayโ€™adaha USAID ee dawlada Maraykanka u qaabilsan mashaariicda horumarinta ama mucaawinada ayaa suโ€™aalo adag laga weydiiyey eedaynmo ah in ay wadeen mashaariic lagu khal khal gelinayo dawlado shisheeye.

USAID

Rajiv Shah oo ah madaxa hayโ€™ada USAID ayaa hortagay guddiga Baarlamaanka u xilsaaray baadhitaanka arrimahan oo suโ€™aalo ka weydiiyey mashruuc ay hayโ€™ada USAID ka waday dalkaasi Cuba.

Mashruucan ayaa la sheegay inuu ahaa in Shabakada Twitterka ay hayโ€™adaasi u adeegsato in dalkaasi Cuba laga sameeyo kacdoon shacab oo xukunka looga tuuro xukuumada dalkaasi Cuba.

Mashruucan oo lagu tilmaamay mid si weyn loogu fashilay isla markaana sababay xadhiga mid kamid ah hawlwadeenada hayโ€™ada USAID oo ay maxkamada Cuba ku xukuntay 15 sanndood oo xadhiga ah.

Rajiv Shah oo suโ€™aalo adag lagu weydiiyey kulankii uu la yeeshay guddiga Baarlamaanka, ayaa sheegi kari waayey cidii lahayd fikirka mashruucan oo ay si weyn u dhaliileen xildhibaanada Baarlamaanka Maraykanka.

Mashruucan oo lagu magacaabay ZUNZUNEO ayey hayโ€™ada USAID sheegtay in uu ahaa mid sare loogu qaadayey wacyi gelinta iyo xogta ay helaan shacabka Cuba, balse mashruucaasi ayaa u muuqday mid lagu faafinayey xog lagu cambaareenayo xukuumada Cuba iyo hogaanka dalkaasi.

Hayโ€™ada USAID oo mashaariic badan ka fulisay dalal badan oo kamid ah caalamka ayaa lagu eedeeyey inay ka qeyb qaadatay mashaariic siyaasadeed oo xukunka looga riday dawlado shisheeye, isla markaana xidhiidh dhow la leedahay hayโ€™adaha sirdoonka Maraykanka. Sida lagu sheegay warbixino ay shaaciyeen hayโ€™ado madax banaan oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland