Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay dhaliilaha inta badan loogu jeediyo cabbudhinta iyo caga-juglaynta ay ku hayso saxaafadda madaxa-bannaan, waxaanay sababaysay xayiraadaha ay ciidamadeedu kula wareegeen xarumaha Wargeyska madaxa-bannaan ee Haatuf iyo Hubaal.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa xukuumadda uu ka tirsan yahay ka difaacay inay wax cabbudhin ah ku hayso xorriyadda warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan u hoggaansan yihiin nidaamka sharci ay umaraan jawaab-celinta ay ka bixiyaan dhaliilaha ay leeyihiin ee warbaahinta lagu soo bandhigo.
Wasiirka waxa uu ka hadlay sababta ay xayiraadda ugu soo rogeen Wargeyska madaxa-banaan ee Haatuf , waxaanu tallaabadaas ku tilmaamay mid waafaqsan shuruucda dalka, in kasta oo aanay jirin dacwad maxkamadeed oo kiiskeeda lagaga garnaqay maxkamadaha dalka, waxase uu ku dooday in wargeyska Haatuf ku xad-gudbayย qawaaniinta dalka u yaala.
Cali Warancadde oo caawa ย u warramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxa uu sababeeyey xayiraadda lagu soo rogay wargeyska Haatuf, waxaanu yidhi, โSharci ayaa dalka ka jira, sharcigaasi muu odhanย jiidha meel kastaba ama ha ahaado joornaalย ka shaqeeya goboladda dalka ama meelo kaleba, dalku qawaaniin ayuu leeyahay, cid qawaaniintaasi ku xad gudbi kartaana ma jirto,โ ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.
Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu qiray in shuruucda dalka u yaalaa xaraantimanayso in layska xidho qof aan dacwad maxkamadeed laga gudbin, waxaana hadalkiisa kamid ahaa, โHaddii uu qofku danbi galo la iskama xidho laakiin dacwad ayaa loo gudbiyaa, aniguna waxaan ka mid ahay dadka uu aflagaadeeyay wargeyska Haatuf,ย ooย aniga oo ah wasiirkii daakhiliga runtii wax aan ii qalmin, dalkan ku noqon karta laf-jab oo ah in uu iska caayo masuuliyiinta, iyada oo wax war ah oo uu og yahayna aanu jirin, waa ayaan-darro, markaa la iskama xidhin Wargeyska Haatuf ee waxaanu u gudbinayย hayโdihii hawshaasi qaabilsanaa sida maxkamadaha iyo hayโadaha sharciga, sidaas awgeed ayaana lagu xidhay.โ
Wasiirku waxa uu sheegay in kiiskan dacwaddiisu ka socoto Maxkamadda, waxaanu hadalladiisa ka mid ahaa, โKiisuna weli wuu socdaa, markaa wixii uu sheegay ee uu aniga iga sheegay ama madaxda kale ka sheegay waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan, haddii ay caddayn waayaana sharciga ayaa laย marinayaa,โ ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu si dadban ugu hanjabay warbaahinta madaxa-bannaan, isaga oo sheegay inay xukuumad ahaan tallaabo shuruucda dalka waafaqsan ka qaadayaan cid kasta oo xayn-daabka weydaarata, waxaanu yidhi, โDawladdu ma diidana in la dhaliilo dhaliishayadda waanu ogol nahay in wax laga sheego wixii jira, laakiin waxaanaan la ogolayn cayda iyo meel kadhaca, beenta iyo isku dirka bulshada dhexdeeda iyo dadka aan danbiga lahayn in uu wax ka sheego, sidaas awgeed anagu waxaanu leenahay ninkii wax wanaagsan sheegaya waanu soo dhawaynaynaa, laakiin ninka fadmada iyo isku dirka, beenta iyo dacaayadda sameeyaa waxa uu waajahayaa sharciga qaranka.โ Wasiirka oo la waydiiyay in qaabka ay u xidheen Wargeyska Haatufย waafaqsan yahay shuruucda dalka, waxa uu ku jawaabay, โHaa, sharciga ayuu waafaqsan yahay, xaaladana waxaa keenay danbiga uu Wargeysku galay oo lagu xidhay, waxa loo xidhayna waxa weeyi in aan fidmadaasi uu qoray maxkamad lagu geeyo, maxkamadda ayaana looga yeedhayaa in ay caddeeyaan ayaana laga doonayaa fidmadaasi ay sameeyeen iyo af-lagaadadaasi, haddii ay caddayn waayaanaย sharciga ayaa la mariyaa, lama xidhin nimankii waxan qoray, waayo ilaa maxkamada la hor geeyo ay cadayn kari waayaan,ย ooย wax laga qoro wixii ay kala kulmaan ayay leeyihiin,โ ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Wargeyska Haatuf oo shalay Ciidamo boolis ahi la wareegeen, ayaa noqonaysa xaruntii warbaahgineed ee labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddo saddex-bilood gudaheed ay Albaabada u laabtay, iyada badhtamihii bishii December ee sannadkii hore ay sidan oo kale Ciidamo boolis ahi ula wareegeen Xarunta Wargeyska Hubaal oo ilaa immika Xayiran.
SOMALILANDPOST.NET