Wax-garadka Deegaan ka tirsan gobolka Saaxil oo Baaq tabashooyin Xambaarsan u diray Xukuumadda

0

Berbera (SLpost)- Dadwaynaha ku nool tuulada Geeri oo tirsan Degmada Bullaxaar ee Gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo ay sheegeen inaanay ka jirin deegaankaas oo magaalada Berbera dhinaca Galbeed kaga beegan 60 KM.

Odayaasha iyo wax-garadka deegaanka Geeri ku yaala halka uu Dooxa Waaheen kaga daro Biyaha Badda, ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey dhibaatooyin uu ku hayo dooxaas oo markii hore laga moosay tuulada balse immika fatahaaddiisu dhibaato ku hayso dadka iyo duunyada ku dhaqan.

DSC_2378Wax-garad iyo Odayaal isugu jira Guddoomiyaha tuulada Cismaan Jaamac Yaasin, Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Farax, Yusuf Ismacil Muxumed, Jamac Cabdi Xasan, Axmed Aadan Xirsi, Maxamud Muuse Maxamed, Cumar Jamac Yaasiin, Jama Nuur Maxamud, Naasir Buraale Maxamed, Jaamacย  Jamac Cali oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska maamulka gobolka Saaxil, ka dib markii ay wax jawaab ah ka waayeen maamulka gobolka oo ay tabashadooda u soo gudbiyeen, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo baaqa ay u dirayaan xukuumadda iyo maamulka gobolka Saaxil.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha tuulada Geeri Cismaan Jaamac Yaasiin, waxaana hadalladiisa ka mida ahaa, โ€œWaxaa aanu ka cabanaynaaย  Waxbarsho la,aan, adeeggii Caafimadka oo aan ka jirin iyo Geedka Garan-waaga la yidhaaho oo qabsadayย  tuulada. waxaanan baaq u diraynaa Xukuumaddaย  Dhexe iyo Madaxda Gobolka Saaxil oo aan ka codsanayno inย  ay cabashaadas wax nagala qabtaan. Carruurtayada waxbarasho laโ€™aan ayey ku joogtaa. Tuulada iyo nawaaxigeeda dadka ku nool ma helaan waxbarasho. Waxaan ku nool tuulada caruur aad u badan. Markaa Xukumadda waxaanu ka codsanaynaa inย  adeegga waxbarashoย  lanoo sameeyo si mustaqbakaย  carruurtu aanu u lumin,โ€ ayuu yidhi Cismaan Jaamac.

โ€œXagga Caafimadkaย  oo ay dhibaato wayn naga haysato, Xarun Caafimad ma lihin. Deegankan waxaaย  ku nool dad badan oo u qalma in uga yaraan loo sameeyo xarun hooyooyinka uurka leh lagaga umuliyo, deegankaย  iyo nawaaxigiisaba ma hesho wax adeeg ah xataa cid irbadda ku mudda oo waxaanu u qaadnaa Berbera iyo Hargeysa ciddii xanuunsanaysa oo aanu dhibaato badan kala kulano,โ€ ayuu yidhi Cismaan Jaamac.

Waxa isna halkaas ka hadlay Maxamud Muuse Maxamed oo ka mid ah guddida tuulada Geeri, waxaanu sheegay in ay dhibaato kala kulmaan geedka Garan-waaga oo uu sheegay inuu nabaad-guur ku hayo deegaanka. โ€œGeedkaasi waxaa uu nagu hayaa dhibaato wayn, waxaanu u baahanahay in geedkaas sidii wax looga Qaban lahaa looga hawlgalo.ย  Dadkii aanu u dooranay in ay u hadlaan deegankan waxaa noogu danbaysaya markii ay codka naga doonayeen, inta kale ma aragno meel ay marayaan, waxaanu leenahay dadkiiย  idin doortay baahidoodu halkii ayey taalaa, dadkan yaan loo imanin wakhtiga codka laga doonaayo oo kaliya,โ€sidaa ayuu yidhi Maxamuud Muuse.

Ugu dambayntii, waxa ay xukuumadda dhexe iyo Madaxda Gobolka Saaxil ugu baaqeen in sida ugu hawl-galo tabashadooda isla markaana hoos loo eego lana tixgeliyo cabashadooda.

SOMALILANDPOST.NET