Kanpala(SLPOST) Booliska Uganda ayaa heegan sare galiyay laamaha ammaanka ee caasimadda Kampala, ka dib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ay qorshaynayso weerarro argagaxiso oo ay ka fuliyaan gudaha dalkaas.
“Waxaanu helnay warar dhinaca sirdoonka ah oo la Xidhiidha in kooxda Shabaab ay doonayaan in ay qarxiyaan haamaha shidaalka iyo waliba xarumaha lagu iibiyo “ayuu yidhi afhayeen u hadlay ku xigeenka booliska dalkaas
“Ciidamadayada la dagaallanka argagaxisada waxa ay soo galbin doonaan gaadiidka shidaalka ka soo qaada degmooyinka Malaba iyo Busiya ee ku yaalla xuduudka aan la leenahay Kenya “ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkani