Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland iyo Maayerka Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay inay si rasmi ah u soo afjareen khilaaf sharci oo maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Hawlaha guud iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, kaasoo ku saabsanaa awoodo kala jiidasho la xidhiidha Maamulka Dhulka Danta guud oo dhinac waliba sheeganayey inuu sharci ahaan isagu xaq u leeyahay ka talintiisa.