Pakistaan(SLPOST)Gabadh 18- jir ah u dhalatay Dalka Pakistan ayaa isku gubtay Afaafka Hore Saldhig Booliis oo kuyaala Degmada Muzaffargarh ee Gobolka Punjab ,kadib markii Xabsiga laga sii daayay afar nin oo gabadhaasi kufsi kula dhaqaaqay.
Gabadhan ayaa u geeriyootay Dhaawac halis ah oo kasoo gaadhay Dab ay is qabadsiisay maalintii Khamiista aheed iyadoona u geeriyootay Dhaawacaasi jimcihii shalay , waxaana la tilmaamay in gabadhan oo lagu Magacaabo Aamna Bibi ay ka cadhootay Kooxo burcad ah oo kufsi u geestay oo laga sii daayay Xabsi ay ku xidhnaayeen.
Kooxaha Burcada ah ee kufsiga u geestay gabadha is dishay ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii ay bixiyeen lacago laaluush oo gaadhaysa 70,000 rupees oo u dhiganta ยฃ690 Bond , sida ay ku warameen ehelada gabadha is dishay.