Lughaya (SLpost)- Xubno ka tirsan Xildhibaannada Goleyaasha Wakillada iyo Guurtida ugu Jira Gobollada Awdal iyo Selal iyo Salaadiinta Gobollada, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey dhagax-dhigga Dekedda magaalada Lughaya oo uu munaasibad loo dhan yahay shalay dhagaxihii ugu horreeyey ku dhigay.
Mudaneyaashan iyo madax-dhaqameedkani waxa ay dhinaca kale baaqyo ku aaddan hirgelinta dhismaha dekedda u direen Qurbejoogta u dhalatay gobollada iyo dhammaan bulshada Somaliland ee gudaha dalka ku sugan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen tabarucaadka loo ururinayo Dekedda magaalada Lughaya oo noqonaysa dekeddii ugu horreysay ee dalka laga hirgeliyo iyada oo ay iskaashanayaan shacabka iyo Xukuumadda Somaliland.
GUJI HALKAN SI AAD U DHEGAYSATOย
SOMALILANDPOST.NET