Burma (SLPOST)Koox burcad ah oo la baxday “Ayeyarwady Somali” ayaa faro xun ku haya gadiidka mara wabiga weyn ee “Ayeyarwady” ee ku yaal dalka Burma (Myanmar). Sida kucad magaca kooxdan waxay iska dhigaan sida burcad badeeda Soomaalida.
Kooxdan “Ayeyarwady Somali” ayaa sanadkan caqabad ku noqday gaadiidka iyo doonyaha mara wabiga “Ayeyarwady” ee dalkaasi Burma iyagoo habeenkii oo dhan baarta doonayaha iyo dadka ku sugan nawaaxiga wabigaasi.
Wabiga Ayeyarwady ee dalkaasi Myanmar (Burma) ayaa ah wabiga ugu weyn ee wadankaasi isla markaana udub dhexaad u ah ganacsiga iyo isku xirka dalkaasi.
Kooxdan qaatay magaca Soomali ayaa la sheegay inay habka ay u hawlgalaan uu lamid yahay qaabka ay burcad badeeda Soomaalida ku qafaashaan maraakiibta mara badweynta hindiya iyo bada cas.
Booliiska dalka Burma ayaa shalay (Isniin) shaaciyey inay gacanta ku dhigeen 19 kamid ah kooxdan kadib markii ay weerar ku qaadeen labo fariisin oo ku yaal Waqooyi-galbeed magaalada Shangalay Kyun oo ay ku dhuumaaleysan jireen kooxdan burcada ah.