Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Gobolka Hargaya ayaa maantaย xukun ku rirday laba masuul oo ka tirsanย xukuumada Somalilandย kuwaasi oo ay ugu yaraan ku xukuntay midkiiba muddo shan sanno oo xadhig ah.
Labadan masuul ee xukunku ku dhacay ayaa kala ah Agaasimihii hore ee maamulka iyo lacagtaย ee wasaarada waxbarashada Somaliland Ibraahin Aamiin Gadiid iyo Agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha magaalada Hargaysa Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi).
Masuuliyiintan ayaa lagu soo eedeeyey in lagu helay musuqmaasuq iyo Lunsi hanti Qaran, waxaana Labadan masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqaย iyo hanti lunsiga qaran maxkamadda Gobolka Hargaysa ay saaka ku xukuntay Shansanadoodย oo xadhig ah.
Sidoo kalena, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargaysaย Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa sheegay in muddo ay socotay dhagaysiga dacwada labadan masuul oo ayย maxkamadu dhagaysanaysay markhaatiyadaย la hor keenayย isla markaana ay saaka xukunka ku rideen.
Maxkamada Gobolka Hargaysa ayaa waxay ku xukuntay Ibraahim Aamin Gadiid shan sanadood oo xadhig ah iyo inuu soo celiyo lacag toos ah oo uu ka soo qaaday Haโyadaha caalamiga ah ee wasaarada waxbarashada la shaqeeya, lacagtaasi oo lagu sheegay xadigeedaย 107 kun oo dollar, taasi oo uu ku tagri falay, masuulkanย ayaa sidoo kale lunsadayย lacag dhan 110 milyanย oo Somaliland Shilin ah taas oo ay wasaarada waxbarashu lahayd.Masuulkan oo wasaaradda waxbarashada ka shaqaynayay ilaa wakhtigii dawladdii Rayaale, waxa kale oo dhaliilo u jeediyay shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashada oo ay ka mid yihiin macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada dawladda oo mushahar laโaan in badan ku shaqaynayay kuwaas oo ku eedeeyay inuu ka musuq-maasuqay mushaharkoodii oo uu ay in badan uga daba fadhiyeen wasaaradda waxbarashada maamulkii Rayaale.
Sidoo kale, agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha Hargaysa Cabdirisaaq Cabdillaahi Maxamed (Kildhi) ayaa lagu xukumay Shansanadood oo xadhig ah, waxaanaย sidoo kale masuulkan lagu helay inuu lunsaday Raashin ay lahayd Xarunta Agoomaha ee Hargaysa iyo waliba lacag kale.
Xukunka labadan masuul ayaa waxa soo dhaweeyay dadweyne aad u badan oo saamayn weyn kala kulmay wakhtigii ay maamulka ka hayeen hayโadaha dawladda ee ay ka shaqaynayee.
Maaha markii ugu horreysay ee xukun noocan ah lagu qaado masuuliyiin ka tirsan dawladda hadda iyo maamulkii hore ee madaxweyne Rayaale.
SomalilandPost
Hargeysa News Desk
somalilandpost08@gmail.com