Hargeysa(SLPOST):- Maxkamadda Sare ee Ciidammada Somaliland, ayaa maanta Xabsi Madaxaa haku furto ah (Xabsi-daaโim) ku xukuntay Taliyihii hore ee Saldhigga Booliska Daloodho ee magaalada Hargeysa Maxamed Aw Cabdi Jaamac, ka dib markii Maxkamaddu sheegtay inuu ku caddaaday dil uu geystay.
Qoraal ka soo baxay Maxkadda Sare ee Ciidammada ayaa lagu sheegay inuu ku caddaaday Dembi ah Dil uu kula kacay Marxuum Cabdiraxmaan Cawil Xasan Xuseen 16 jir ahaa. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka Somaliland Xasan Aadan Sugulle, waxa uu u dhignaa sidan:-
โMaxkamada Ciidanka Qaranku waxay soo saartay Xukunkan Maanta oo Taariikhdu tahay 03/02/2014, kaasoo Xabsi Daaโim lagu xukumay Gacan-ku-dhiigle Maxamed Aw Cabdi Jaamac oo hore u ahaa Taliyihii Saldhigga Daloodho, oo dilay Marxuum Cabdiraxmaan.
Cawil Xasan Xuseen oo 16 jir ahaa Magaca Hooyadiina la yidhaahdo Kawsar Good Iimaan markii taariikhdu ahayd 31/8/2012.โ Sidaa ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Maxkamadda sare ee Ciidammada Somaliland ee Warbaahinta la soo gaadhsiiyey.