(SLPOST)Waxaanay kusameeyeen tijaabo dhinaca faaยidada lawska ah dad aad u badan oo isugu jira rag iyo dumarba,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaayey 120,000 qof
Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ahi ayaa lagu sheegay in lawska oo la cuno maalintii dhowr midh uu keeno cimriga qofka oo dheeraada ,sida ay ku sheegeen war hor dhac ah oo ay kazoo saareen daraasadaasi ay wadeen khubaradasi .
Daraasad ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayad ee abid laga sameeyo lawska iyo faaโidooyinkiisa ,taas oo ay sameeyaan maxadyada iyo jaamacaddaha ku yaala dalkaasi Maraykanka,sidoo kalena caalamka intiisa kale ayaan samayn daraasad sidan u balaadhan oo ku saabsan cunitaanka lawska iyo waxyaalaha laga helo intaba,sida ay khubaradani sheegeen.
Waxaanay kusameeyeen tijaabo dhinaca faaโidada lawska ah dad aad u badan oo isugu jira rag
iyo dumarba,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaayey 120,000 qof ,waxaanay daโaan u dhexeeyen 30 sanno jir,iyada oo muddo dheer soo socotay daraasadasi aanay jirin siday sheegeen khubaradani cid dhimatay oo kamid ah dadka lawska cuna ,sida ay ku daabaceen wargeyska lagu magcaabo New England Journal of Medicine.Waxay sheegeen in cunida qaybo lawskaasi kamid ah oo maalintii la cunaa ay yaraysoย 13% dhimashada iyo welibaย wadne xanuunka ,iyada oo ay sidoo kale xuseen in waxooga laws ah oo la cuno kana badan inta hore ay sidoo kale aad u yarayso dhimashada ilaa 20%,siday daraasadasi tilmaantay.
โwaxyaalaha ugu badan ee faaโidada ah ee aanu ogaaney ayaa ah in dhimashada badan ee ka timaada wadno xanuunka iyo istaagista wadnahaba,iyada oo dhimashada labadaasi ka timaada ay yaraato 29% ,waxa kale oo aanu aragnay inuu yareeyo u dhimashada xanuunka loo yaqaano Cancer-ka oo ah mid dadka dhibaato badan ku haya,waxaanu yareeyaa qiyaas ahaan 11%โ.sidaasi waxa yidhi Dr Charles Fuchs oo ah madaxa cilmibaadheyaasha kana socday Dana-Farber Cancer Instituteย kuna yaala maaalada Brigham ,sidoo kale ka hawl gala Dhakhtarka dumarka ee Womenโs Hospital.
Lawska ayaa ah mid duxdiisu aanay aad u badnayn,iyada oo ay khubaradu sheegeen in uu yaryahay duxda faraha badan ee lagu sheego inay ku jirto lawska ,sidoo kalena waxa jira Vitamins badan iyo sidoo kale Proteins badan,waxa kale oo lagu sheegay inay ku jirto waxyaalo ka hortaga suntan,iyada oo ay yaraanayso wadne xanuunku.
Saliida ku jirta lawska iyo sidoo kale waxyaalo kale oo laga soo saaro ayaaย yareeya xanuunada caloosha ku dhaca,sidoo kalena waxa uu yareeyaa yalaalugadaย sida ay khubaradaasiย shegeen.