Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta goβaan ka soo saaray cidda xaqa u leh inay goβaan ka gaadhi karto Hantida Guud ee Qaranka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha oo lagu soo koobay qodobadda uu madaxweynuhu u cuskaday goβaankiisa iyo amarka uu siinayo hayβadaha ku shaqo leh inay ka hawl-galaan shaqada ay xaqa u leyihiin ayaa u dhignaa sidan.
βMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo);
Markuu Arkay:Β Β Β Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
Markuu Arkay:Β Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
Markuu Arkay:Β Β Β Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, MagaalooyinkaΒ Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001
Markuu Ka war helay:Β Β In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan
Wuxuu soo saaray Goβaankan:-
Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo Dhulka Danta Guud waa hanti qaran, waxaana Awood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe.
Waxaana Reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo.
GoβaankanΒ waxa uu madaxweynuhu faray Hayβaddaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel marintiisa.β