Hargeysa, (SLpost)- Hayโadda Ilaalinta Tayada Agabka ee Somaliland ayaa gubtay 150 Tan oo Sharaab dhacay ah kaasoo ay lahayd Shirkada Oomaar.
Guddoomiyaha Hayโadda Ilaalinta Tayada Agabka Siciid Saleebaan Mirre iyo Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada Oomaar ayaa shir jaraaโid oo ay shalay ku qabteen Xafiiska Hayโada Ilaalinta Tayada Agabka kaga xog warramay Sharaabkan ay gubeen ee wakhtigiisii dhacay iyo sida ay uga hawlgaleen.
Guddoomiyaha Hayโadda Ilaalinta Tayada Agabka Siciid Saleebaan Mirre oo ugu horeyn ka hadlay Sharaabkan ay gubeen ayaa sheegay in Sharaabku uu ahaa nooca ay caruurta cabto oo wakhtigoodii dhacay, isla markaana ay lahayd Shirkada Oomaar, waxaanu sheegay in Shirkada Oomaar ay iyadu ka shaqaysay sidii loo gubi lahaa Sharaabkan wakhtigoodii dhacay.
Guddoomiyaha Hayโadda Ilaalinta Tayada Agabka ayaa sheegay inay dhawaan gubi doonaan Konton kun oo Kartoon oo ay leedahay Shirkada Oomaar qaybteeda Berbera.
Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi. โWaxaanu gubaynaa 150 tan oo Sharaab wakhtigoodii dhacay ah, isla markaana ay lahayd Shirkada Oomaar, waxaana sidii loo gubi lahaa nagala shaqaysay Shirkadan Oomaar, dhawaana waxaanu gubi doonaa Todoba kun oo kartoon oo ay leedahay Shirkada Oomaar qaybteeda Berbera, intii Hayโadaydu jirtay waxaanu gubnay labaatan tan oo raashin ah, Ganacsatada waxaanu ku wacyigelinayaa inay iska hubiyaan Agabka ay Wadanka soo galinayaan.โ ayuu yidhi Guddoomiyaha Hayโada Ilaalinta Tayadu.
Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada Oomaar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka shirkad ahaan ku dedaalaan in wixii agab ah ee wakhtigoodu dhacay aanay umada ku baahin ee ay gubaaan.
Ugu dambeyn waxa Sharaabkii la geeyey Goobtii lagu gubi lahaa oo Magaalada ka baxsanayd, iyadoo halkaas lagu burburiyey laguna gubay.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net