Walaalkay dhab iyo
Dhiigaygiiyoow
ย Dhofkiinu wuu
Igu dheeryahayee
Wax idin dhiba Illaah
Ha idin dhaafiyo
Dhulkii hooyo waa kanee
Dhaqashaduna waa meel
Dhalashaduna waa meel
Waydin dhaariyeee
Ha is dhalan rogina
Codkii Maxamed Mooge (IHUN)
Waagii baryaaba waayihiisa ayuu wataa.Aqoonyahan ayaa u kicitimay dhinaca dhakhtarka.Rajada uu bukaan-socodkaasi qabaa sidaa uma buurnayn, hase yeeshee wuxuu mar walba u diyaar ahaa inuu aqbalo lama dhaafaanka-geerida-.Dhakhtarkii ayaa u sheegay inaaney jirin ididiilo danbe oo ugu hadhey nolosha.Waxaanu la wadaagey in saddex ilaa lix billood oo nolol โcaafimaadโ leh loo tirin karo u hadhey.Talo waxay ku soo af-goday u qalabeysiga godka albaabka u ah nolosha danbe โIilkaโ.
Xaaskiisa iyo saddexdiisa caruur ah ayuu la dardaarmey.Wuxuu aqoonyahankani galay qolka wax akhriskaย una hawlgalay diyaarintaย โdardaarankii ugu danbeeyey-Last Speech-โ.
War aan dhaabiiyo
Ducaan kuu dhigayaa
Adna dhaahiyo
Dhagaha u fur
Yey ku dhaafin waanadu
Way iga dhan tahayee
Codkii Maxamed Mooge (IHUN)
Naftiisuu aqoonayhankani u sheegay in caruurtiisu markay koraan ku waano qaadan doonaan dardaarankaa. Aqoonyahankani waaย Randy Pausch.Wuxuu Randy barre jaamicadeed ka ahaa CarnegieMellonUniversity ee magaalada Pittsburgh ,kana tirsan gobolka Pennsylvania. Waxaa ku dhacey Randy cudurkaย kansarkaย (Pancreatic Cancer) .Wuxuu ka qaban karayey Randy cudurkaa wuu ka qabtey,dhaqaaluhuna muu gabin, aqoona itaalkeeda way ciidamisay.
โSaying goodbye. It’s a part of the human experience that we encounter every day. Then, eventually, the time comes for the final goodbye. When death is near, how do we phrase our words? How do we show our love?โ said Randy.
Waxaa la gaadhey xilligii nolosha danbe lala jaanqaadi lahaa.Markaasuu Randy goโaansadey dhaxal ahaan weedhaa gabagabada ahย inuu uga tago reerkiisa iyo inta nolosha aduunka ku sii hadhsan.Geeridiina gurigiisa ayey ku haleeshay isagoo dhex jooga xaaskiisaย Jai, iyo saddexdooda caruuraย Dylan, Logan, and Chloe.โThis talk is not for you. Itโs for my kids. Good nightโ ku soo gabagabeeyeyย Randy waanadiisii.
Goorsheegtu waxay ku dhaweyd 7:35 habeenimo,warbaahinta maqalka iyo muuqaalka oo ka daarneyd meel aan sidaa iga dheerayn ayaan ka maqlayย war degdeg ah โBreaking Newsโ.Mise waa sheegista geeridii mid ka mid ah raggii salka u taagey shirkada Apple ee Kombuyuutarada.Waxaa waliba u dheeraa inuu muddo badan ahaa hormoodka shirkadaa iyo hogaanka aqoonta casriga.Waa Steve Jobs oo geerri muddaba la saadaalinayey haleeshay.Lacag,dawo casri ah,dhakhtar heer sare ah iyo qalab la hiigsadaabaย way ka talax gabeen inayย cudurkaaย wax ka qabtaan. Geeriddii oon ciddi horjoogin ayaa soo qaabishay aqoonyahanka. Arintani wax ku qaadasho ugu filan ummad badan oo intaa haddey isla heli lahaayeenย u arka inay noloshooda wax ka badali laheyd.Dunidu ma tobnawdaa ah dhawaaq dhagaheenu in badan maqleen.
Magaalada San-Faransisco ayaa ku caanomaashey inay hoy u noqoto aqoonta casriga. Dhalinyaro dhawr ah ayaa horaantii todobaatanadii iyo dabayaaqadii lixdamaadkii u hawlgalay inay kartidooda soo bandhigaan,aqoonna ku tartamaan.Waxay dhalinyaradani ku guulaysteen inay soo bandhigaan qalab casri ah oo loogu wanqalayโComputerโ. Waxaad u sheegto ayuu si dhakhso ah u fulinayaa,hagida baniโaadmiga iyo gashigoodana kama maarmo.
Muddo ka dib ayeyย dhalinyaradaasi ku soo caan baxeen hormoodnimadda labada shirkadood eeย kombuutarada PC (personnal computer) oo Shirkada Microsoft hagtoย ย iyoย Macintosh oo shirkadda Apple soo saarto.Steve Jobs tan danbe ayuuย hormoodย ka ahaa isagoo wehelna ka helay saaxiibkiisa Stephen Wozniak.Labadan nin ee danbe baa loo tiriyaa inayย aaladdiii(kombuutarkii) ugu horeysay ee shirkada Appleย ย ayย geerashka guryahoodaย ku ibofureen.
Loolanka aqooneed iyo is-hirdiga ka dhex bilaabmey labada kooxood ayaa bulshada aduunka u horseeday inay sidii dad tuulo kaliya ku wada nool u xidhiidhaan,wax uย kala iibsadaan, isku bartaan,u wada hadlaan,iwm.
Muddo aan sidaa u fogaynย ayaa Steve Jobs hab nololeedkii bulshada aduunka isbadal weyn ku sameeyey.Waa markuu Steve Jobsย si xidhiidh leh u daahfurayย qalabkan Ipad, Itouch,Itunes,Iphone ,iwm. Bulshadu way ku doogsatey ilaa ay dadweynaha aduunku ugu yeedheen inuu Steve Jobs yahay Thomas Edison-kii waqtigan .
Cabdul Fataax Jandali wuxuuย ka qalinjabiyey jaamicada Ameerika ee ku taala magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.Wuxuu Cabdul Fataax goโaansadey inuu aqoontiisaย u gadiyo barashada garyaqaanimada,kanaย barto Jaamicada Dimishiq (Damascus University) ee wadankiisa Suuriya.Aabihii Jandali oo maalqabeen ahaa ayaa u sheegay in ay garyaqaano badani ka shaqeeyaan dalkaa Suuriya,ee uu inankiisu wax kale ku hamiyo barashadiisa.
Markan ayuu Cabdul Fataax Jandali goโaansadey inuu aqoonta dhaqaalaha iyo siyaasada (economy and political sciences) ka soo barto wadanka Mareykanka.Cabdua fataax wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabey Jaamicada Kolambiya ee magaalada New York, hase yeeshee Jaamicada Gobolka Wisconsin ayaa ugu deeqdayย waxbarasho bilaash ah oo heerka labaad (Master) iyo heerka ugu danbeeyaba ah (Ph.D).
Xilligaa uu ku jiray waxbarashada heerka labaad ayuu Cabdul Fataax xidhiidh hooseed la yeeshay Joanne Carole Sciebele oo ay isku ardey ahaayeen. Xidhiidhkaa hoose dartii ayey Carole ilmo ku qaadey.Reerkooda oo aad dhaqankooga ugu xag jir ahaa ayaa diiday inay garwaaqsadaan xidhiidhkaa iyo guur ka dhex dhasha labadooda (Cabdul Fataax iyo Carole ). labada dhalinyarada ahiย si baโan ayey isku doonayeen. Carole oo rabta inay raaligaliso waalidkeeda, xidhiidhkana la sii wado Cabdul Fataaxย ayaa qabatay San- Faraansisko.
Halkan waxaa ku sugnaa waalidkaa Paul Jobs and Clara Jobsย oo ogolaadey inay maalgalinta waxbarashada ilmaha yarย ka adag yihiin.Sidaas ayaa Carole ku sii joogtay magaalada San-Faransiisko si ay ugu umusho halkaa,ilmahana faraha ka galiso reerkan ogolaadey inay korsadaan.Paul iyo Clara wax caruur ah iskumayย laheyn.
Awood ay ilmaha ku haysan karaan may hayninย labadan ardey.Reerkii inanta dhalay ee taageeri lahaan xidhiidhkoogaba ma ogola.Cabdul Fataax laftigiisa aabihiisa maalqabeenka ah dhaqan ahaan arintan lama wadaagi karo.Geed baโayoow yaa ku leh ayey arini ka fursan wayday.
Paul iyo Clara ilmihii dhashay waxay u bixiyeen Steve. Cabdul Fataax Iyoย Caroleย waxay is guursadeenย hilaadii 1955.Xilligani waxay ku beegnayd toban bilood ka dib markay deeq ahaan u bixiyeen inankooga Steve ,sidoo kalena afar bilood ka dib geeridii Caroleย aabaheed oo isku diidanaa iyaga.Waxaana u dhalatey gabadhooda ayย u bixiyeen Muna. Muna waxay barre sare ka tahay Jaamicada Kaliforniya ee cariga Maraykanka (UCLA).
Sida ay dadka Af-Soomaligaย ku hadlaaย ama muslimiinta maanta dunidda ku nooliba u badan yihiin ayuu Cabdul Fataax yahay muslin aan ku dhaqminย Diinta .Cabdufataaxย daโdiisu waxayย ku dhawdahay sideetamaadkii.
Cabdul Fataax wuxuu yahay ku xigeenkaย hogaanka sare ee Boomtown Casino(goobaha Khamaarka) kunaย taala Magaalada Reno ee gobolka Nevada.Bishan Oktoober 5,2011 ayuuย ย Steve Jobs u dhintay cudurkaย kansarka (pancreatic canser),waxaana lagu tilmaamey inuu noday maalqabeenka xabaalaha.Waxaase aad loogu xasuusan doonaa kaalintii uu ka gaystayย wax ku soo kordhinta hab nololeedka aduunka.
Muddo aan sidaa u fogeyn dad faro badan oo ka soo jeeda bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga ayaa jinsi iyo dhaqanba dhalan rogmi doona.Haddaba waydiinta u baahanย in laga war celiyo waa bulshadey ku dhex nool yihiin uun magac iyo maamuus ma ku yeelan doonaan, mise xabsiyada oo ay buuxiyaanย iyo xoogasatayย ย ku xaglo ย beegli?
Qalinkii:ย Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.comย iyo www.farshaxan.org
Tixraac:
-Barnaamijka 60 Minutes ee CBS News
– Barnaamijka 20/20 ee ABC News
– barnaamij falanqeyn ahย โTriumph of the Nerdsโ.
-Wargeyska Al-Xayaat , cadadkii soo baxey Febraayo 28,2011
– http://www.cs.cmu.edu/~pausch/