Daneeyayaasha Dunida ee U Dooda Dawladnimada Somaliland Oo Warqad Furan U Soo Diray Madaxweyne Siilaanyo, Jariirada HUBAAL iyo Saxaafadda Madaxa Banaan

0

London (SLpost)- Dr. Steve Kibble oo ah Ku xigeenka Madaxa, Somaliland Focus (UK) ayaa Warqad ku suntan Qaddiyadda Wargeyska HUBAAL iyo Xayiraada la saaray u soo dirayย ย  Madaxweynaha Somaliland.

Dr. Steve Kibble ย oo warqaddiisa furan cinwaan uga dhigay โ€œ Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Siilaanyo: Jariirada HUBAAL iyo Saxaafadda Somalilandโ€, waxa uu kaga hadlay dhacdooyinkii kala dembeeyey ee lagu bartilmaameedsaday HMN. Waxaana iyada oo aanu idiin turjunay ay u dhignayd sidan:

Maareeyaha-iyo-Tifaftiraha-Hubaalโ€œMd. Madaxweyne, Waxaan Qoraalkan Kuugu soo Qorayaa Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkaย  Ururka Somalilandย  Focus (UK). ย Tan iyo 2005-dii, Somaliland Focus waxayย  ku hawlan tahay Wacyigelinta nidaamka dimuqraadiyada Somaliland,ย  waxa ay kamid ah Isu-duwayaasha Goob- joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinkii 2010-kii iyo 2012-kii Somaliland ka qabsoomay, Annaga oo sidoo kaleย  saamayn ku leh dhammaan xisbiyadda siyaasadda, xubnaha Baarlamaanka UK, ee ku lugta lehย  ย Somaliland iyo Somalia. Waxaanu u han-weynahay In laga midho dhaliyo Guulaha Somaliland.

[Md. Madaxweyne] Qoraalkani waxa uu xambaarsan yahayย  guud ahaan mawqifka aanu ka qabno xorriyatul-qawlka [Saxaafadda Madaxa banaan] Somaliland xaaladda ku sugan yahay, gaar ahaannaย  dhacdooyinkan ugu dembeeyey ee khuseeya Jariiradda HUBAAL.

ย Tixraaca qoraalkanina Macnawiyan, waxaa uu tixraacayaa Warqad Furan oo [Somaliland Focus] ay 11-kii bishii November ee sanadkan 2013-ka aanu u soo dirnay Asxaabtayada [Wasiirrada] Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkaย  arrimaha Dibedda Somaliland iyo Cabdillaahi Maxamed Daahir, Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Warqaddaas Waxa ay khusaysay sawirka ay bixinayso cabsi-gelinta iyo cago-juglayntaย  joogtada noqotay ee deriska la ah Suxufiyiiinta Somaliland. Aan Tixraacno Wargeyska HUBAAL oo Bartil-maameedย  khaaska uย  noqday, weerarkii bishii April aynu ka war-qabnay ee lagu qaaday xafiiskooda Hargeysa iyo dhaawacyadii soo gaadhay hawl-wadeennadiisa.

Bishii June, ย waxa la xayiray daabacaaddii [HUBAAL], kadib markii wargeyska ay ku soo baxeenย  Qormooyinย  ay ka biyo diidday dawladda Somaliland,ย  xayiraadaas ka sokowna waxa xigtay in Tifaftiraha guudย  [editor-in-chief] iyo Maareeyaha [Managing director] ee HUBAAL Xabsiga la dhigo,ย  inkastoo markii dembe xayiraada dib looga qaaday wargeyska, Masuuliyiintiisiina la sii daayay, markii aad adigu [Madaxweyne] Bishiiย  August,ย  soo saartay Digreeto Madaxweyne ooย  nasakhaysa xukunnadii lagu riday labadaas nin iyo xayiraadii la saaray daabacada wargeyskaba.

ย Intaas oo dhan ka sokow;

Bishan December 13-kii Waxaa Wehel noo noqdayย  Walaahow iyo Werwer kadib markiiย  mar labaad ay ciidanku ku duuleen xarunta wargeyska lagu duulay iyagoo si ficil ah uga war celinaya falanqayn ka dhan ah iyaga oo wargeysku sameeyey, waxa ay garaaceen oo ay xidheen dhawr xubnood inkastoo markii dembe lasoo daayay.

Waxa la soo weriyey inย  weli la haysto xaruntoodii, Maareeyihii Fulintuna uu dhuumasho ku jiro ilaa hadda.

Tallaabadan Ciidanku waxa ay daba socotay Isu soo bax salmi ah oo ayย ย  shaaciyeen xubnaha saxaafaddu, kaasi oo loo xidhay afar suxufi, lix maalmoodna xabsiga ay ku jireen. Sarkaalkii Bilayska ahaa ee bishii April ku soo duulayย  Hubaal oo la xidhay ayaa la sii daayay waana Tallaabadaย ย  carisey shucuurta suxufiyiinta ee ay Isu soo baxa ka sameeyeen. Sii deynta sarkaalkan waxa ka dhiidhiyey Tifaftiraha guud ee HUBAAL iyo Maareeyaha fulinta ee HMN,ย  warqad qaylo dhaan ah ayaanay dabayaaqadiiย  November ย kuugu baaqeen [Madaxweyne] in dawo loo helo qoonta uu soo gaadhsiiyey Sarkaalkani, sharcigana la waafajiyo kiiskooda.

Somaliland Focus waxa ay u baahan tahay in dhibaataynta laga daayo Suxufiyiinta Madaxa banaan, isla markaana aan mililka dusha laga dhayin ee toos loo abbaaro nabarka, xalna haloo helo. ย Md. Madaxweyne Dhadhamiย  cabashooyinka dayaankeedu soo noqnoqonayo ee kasoo yeedhaya Tifaftiraha iyo Maareeyaha HMNย  danniga kaga qabaan ciddii April soo weerartay, sharcigana ha loo sinnaado.

Dhacdooyinkan iyoย  silsilada taxan ee qaybta ka ahiba waxa ay qodaysaa booraan hadimo oo ay saxaafadda madaxa banaani ku dhacdo, haddii aan laga hor tagin sharcigana lagu dhaqin.

Keliya [Somaliland Focus] waxa ay mar labaad kugu celinaysaa qodobadaasย  hore; bartilmaameedka saxaafaddu waxa uu u muuqdaa faaf-reeb shakhsiyadaysan taasina

Ficillada ka dhanka ah saxaafaddu waxa ay summad nasiib darran ku noqonaysaa Maamulka Somaliland ee hadda jira iyo kuwii hore u soo marayba.

Waxa kale oo ay karaar jab ku tahay Ololaha aanu ugu jirno Somaliland iyo xoogga aanu saarayno jiritaankeeda. Waxaanu u baahan nahay in adiga [Madaxweyne) iyo Madaxdaada kalebaย  ogsoonaataan muhiimadda uu rukunkani [xorriyatul-qawlku] u leeyahay dimuqraadiyadda, dibindaabyadiisuna ay Iin ku tahay dhamaystirka dawladnimada Somaliland oo soo martay marxalad kala guur ah iyo Xilligan oo xisbiyoย  siyaasadeed iyo geedi socod nabadeed ka hana qaadayba, taasoo aad ka midho dhalinteeda nafihiina u hurteen.

Mahad-sanid

Dr. Steve Kibble

Ku xigeenka Madaxa, Somaliland Focus (UK)

WEB: http://www.somalilandfocus.org.uk