Hargeysa, (SLpost)- Sawir qaade Axmed Cumar Cadaani(Saafi) oo ka tirsan Telefiishanka Caalamiga ee Royal 24 tv oo fadhigiisu yahay Magaalada London ee dalka Britain, ayaa dhaawac ka soo gaadhay lugta midig, wakhti ay maanta qaraxyo lagu banaynayo jidka Dawgacad ay samaynaysay hayβada Somaliland u qaabilsan miino saarka ee magaceda loo soo gaabiyo NDA.
Sawir qaadaha oo wakhtigan lagu daaweynayo cisbitaalka gaarka loo leeyahay Gargaar oo ku yaala Magaalada Hargeysa, ayaa ay xaaladiisu aad u wanaagsan tahay, isaga oo ka soo kabanaya dhaawacii soo gaadhay saacado ka hor.
Waxaana uu sheegay in wakhtigii uu dhaawacu heleelay uu sawiro ka qaaday qaraxyo tiradoodu dhamayd saddexa qarax oo lagu banayanayay jidka Dawgacad, iyada oo si lama filaan ah uu ugu dhacay dhagax culus oo ka soo duulay dhadhaabyo la qaraxniyay.
βMeesha waxa lagu qaraxinayay ilaa saddex qarax oo kala duwanaa, labadii hore sawirada ayaan ka qaaday oo wax dhibaato ahi igamay soo gaadheen, laakiin waxa dhawaacu iga soo kii saddexaad oo ahaa mid aan masaafo ahaan aad uga fogaa , Luga midig ayaan ka dhawaacanahay. Waxa I helay waa qadar Ilaahay, aad ayaan u ladanahay, waxaan aad ugu mahadcelinayaa saxaafada Somaliland ee i soo booqatayβ ayuu yidhi sawir qaade Axmed Cumar Cadaani oo warhaainta kula hadlayay cisbitaalka Gargaar.
Axmed Cumar Cadaani ayaa noqday sawir qaadihii ugu horeeyay ee muqaalo naxdin leh ka soo ka soo ka soo tebiya, shilalka dhacay wadada Dawgacad, isaga oo sawir xusuus ku reebay maskaxda dadka ka soo qaaday shil baabuur oo sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa saddex iyo toban qof horaantii sannadkii 2010-kii, waxaana uu wakhtiyo kala duwan ka soo waramay masiibooyin ka dhacay halkaas.
βββββββββββββββββββββββββ
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net