Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa guddoomiye cusub u magacabay gobolka Oodweyne ka dib markii uu todobaadkii hore geeriyooday guddoomihii hore ee gobolkaas Marxuum Maxamed Gahayr Xirsi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyada oo Xambaarsanaa nuxurka digreetada Madaxweyne ee Magacaabista gobolka ayaa u dhignaa sidan:
โWaxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0174/10/2011 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne
Madaxweynuhu :-
Markuu Arkay: ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: ย ย ย Ahmiyadda uu Gudoomiyuhu u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne,
Markuu la Tashaday:ย ย ย Madaxda ay khusayso.
Markuu Ku Qancay:ย ย ย ย In uu buuxin karo, Aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan.
Wuxuu goโaansaday
In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta 16.10.2011 uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland.โ
Gobolka Oodweyne ee loo magacaabay guddoomiyaha ayaa ka mid ah gobolladii cusbaa ee la sameeyey wakhtiyadii ugu dambaysay ee Maamulkii xukuumadda UDUB ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net