Arabsiyo (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Wefti xisbigaas ah oo maanta u socdaalay Gobolka Gabiley, ย ayey ciidanka Boolisku ku hor joogsadeen ย kaantarooka Caabudla ee duleedka magaalada Arabsiyo.
Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu horjoogsaday, ayaa diidmada loo diiday magaaladaas ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay inay u adeegsatay Maamulka gobolkaas, waxaanu ku dooday in Xukuumaddu ay dhabbadii Burburkeeda cagta saartay.
Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID Faadumo Siciid oo ka mid ahayd weftiga UCID, ayaa ย talaabadani ku eedaysay Marwada Koowaad ee madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay Tv-ga inay ka tidhi Gabiley ma tagi karaan.
Marwo Faadumo Siciid waxay sheegtay inayna ka soo noqonaynin ilaa ay Gabiley tagaan ama xukuumadu cadaynayso sababta loogu diidan yahay inay tagaan gobolkaas, iyada oo Safarka Madaxda UCID ku soo beegmayo beegmayo maalmo ka dib Safar laba maalmood qaatay oo Madaxweyne Siilaanyo ku tagay gobolkaas.
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net