Hargaysa(SLpost)Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa ugu baaqay Baanka Adduunka iyo Hayβadaha Caalamiga ee dhinaca cuntada inay dhiirigaliyaan beeraleyda Somaliland ee soo saara cuntada wadaniga ah.
Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay munaasibad maanta ay beeraleyda gobolka Gabiley ku soo bandhigeen dalagyo cunto waddani ah oo ay soo saareen, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo cuntada wadaniga ah si dalku u gaadho isku filnaansho cunto.
βwaa cunto wanaagsan oo nafaqo lehβayuu yidhi Faarax Cilmi Geeddoole.
Waxaanu baaq u diray βwaxaan halkan fariin uga dirayaa World Bank qaybta horumarinta Somaliland ee xaga Ganacsiga ka. Waxay had iyo jeer dhiirigaliyaan inta badan beeraha soo saara khudrada iyo midhaha, waxaan ku boorinaynaa in Baanka adduunku dhiirigaliyo beeralydaa cuntada soo saaraysa si aan u gaadhno ama wax uga qabano mudnaanta cuntada ama iskaga filnaanoβ.
Wasiirka ayaa Hayβadaha Caalamiga ah ee taageera wax soosaarka Beeraha sidoo kale u soo jeediyay βwaa in hayβaduhu kuwa caalamiga ah ee cuntada dhiirigaliyaan beerlayda waxaan kula talinaynaa in ay dadaalkooda halkaa ka sii wadaanβ.
Somalilandpost.net
Hargaysa