Habeen kali ma seexdeen!!

0

Goโ€™aannada qofeed ee aad gaadho kol waad u aydaa, kolna waad eersataa. Waa labadaas xaaladood uun. Mid saddexaad ma leh. Goโ€™aanka guurkaygu labadaas xaaladood midda hore ayuu ahaa! Deeqa oo aan muddo kooban haasaawe wadaag ahayn, in aan goโ€™aansado in ay noqoto ooridayda, goโ€™aan aan mahadiyey ayuu ahaa. Haddii aanay iyadu ila qaadanna ma uu dhaceen. In badan ayaannu Labadayadu goโ€™aankaas u aynay.

Jiroo doobnimadaydii in badan aan maqli jiray wax guurka igu dira, iga didiya oo ii dacareeya, haddana xaqiiqdu waxa ay ahayd taas rogaalkeed. Degganaan, dabacsanaan iyo daryeel aan la qiyaasi karin baan uga dhaadhacnayn! Qolof ahaan iyo qalbi ahaan ba waan u koray una kobcay guurkayga dabadii. Waxa la ii koolkoolliyey sida ilmo dharabka ku jira ama ku aan dhaqaaq baran oo kale! Iyana waxa loo xannaaneeyay sida abaydin hooyadeed curad iyo guuridambays u ah! Aniga oo soo dhididay marka aan duhurka soo dheelmado, inta ay igu dhagto oo labada dhaban iga dhunkato ayey marwadayda Deeqi rarka iga rogtaa. Qolka ay ii diyaarisay bay ii daadahaysaa. Cunto macaan oo iyadu ka dhadhamayso bay soo dhigtaa, labada dhinac inta aannu ka fadhiisanno baannu dhagdhag u wadaagnaa! Say afka iigu gurtaa marar badan. Markaas ayaan illaabaa daal kasta iyo diihaal walba oo aan maantaas soo dabbaashay! Macno liโ€™i in aanan u soo dhididin baan isku bogaadiyaa!

Deeqa inta aan guriga la joogo duni kale ayaan joogaa. Iyaduna sidoo kale. Inta aan ka maqanahay waan u soo hiloobaa la joogeeda. Iyana inta aan ka maqanahay waxa ay ii haybisaa sida eridhaban ilmeheedii wayday oo kale!. Waayadii aan soolanaha ahaa hurdo iyo saamalayl ma aan kala jeclayn, socod iyo fadhi na sidoo kale. Intaan guursaday se guriga waxa aan ugu soo carraaba sida digaagga. Saacadaha iyo mirirrada ayaan kor iyo hoos ba tirsadaa. Maalmo badan cadceeddu in ay hore u dhici wayday ayaan dhibsaday, maalmana doobab makhaayad sheeko ku haystay baa igu dhagay. Waxa ay igula yaabeen in aan waqti hore hoyanayo, laakiin lama aan yaabin, ase waxaan Alle u baryay in uu laabtooda dareen guur u furo si ay dabaylaha iyo dibadaha, iyo, darxumada iyo dalanbaabiga uga hoydaan! Haddii ay ogaan lahaayeen dhabta dugsoon ee aan dubuq idhaa, haddii ay ogaan lahaayeen bogga diirran ee aan dhaxanta jiilaallada iyo jirarka ka dugsado iyo haddii ay doobabkaasi ogaan lahaayeen nolosha qoysinimo badhaadheheeda, in ay ila yaabaan daaye, iyagu ba habeen kali ah kali ma seexdeen! Waa se war liโ€™i waxa kali socodka ka yeelay.

Kaftanka iyo haasaawaaha, doodda iyo sheekada aniga iyo Deeqa na dhextaal, dad badani waxa ay na moodaan labo isku cusub mar walba! dad badan oo kale na waxa ay ku murmaan aniga iyo iyadu in aannu isku mid nahay! Qudhayadu marar baan ku doodnaa in aannu hal qof

nahay iyo in kale. Waxa aan idhaa, adiga ayeynu wada nahay iyo mayaโ€™e adiga baynu wada nahay! Aakhirka waxa ay ku dhammaataa in labada oo isku mid ah aannu isku nahay.

sadaam

Laga soo bilaabo maalintii aannu guri galnay, habeenna ma jecli in aan kali seexdo ama aan ka dhaxo. Haddii ay dhacdo (Alle naguma ba keenee) gogol iyo gamaโ€™ ba waan kala dhaqaaqnaa. Waxa aan habaaraa cid kasta oo sabab u ahayd in aannu kala dhaxno! Waxa kale oo aan u duceeyaa dareenkayga taba jidhkeedii dabacsanaa, boggeedii diirranaa iyo ooridayda Deeqa gabigeedii ba!! Waayo Deeqi waa qayb iga mid ah, sida aan aniguna u ahay qayb iyada ka mid ah!

Reerkayaga waxa ay u jeceshahay sida ay aniga ii jeceshahay. Taasina waxa ay beenaysay qaybta hore ee maahmaahda โ€œDacaayad u guurso, Ammaanna u dhimoโ€. Waayo waa qof ehelka jecel oo wanaajisa iyaga qudhooduna jecel oo qaddariya! Tabtaas oo kale na Jaarku waa ay ka mahdsheegtaan.

Deeqi ma aha marwadayda uun oo kaliya! Sidoo kale waa Saaxiibka dhabta ah ee aannu isku xanqarsanno, ama waa xoghaynta noloshayda iyo xogogaalka naftayda. Waxa ay in badan iga damisay holac iyo naaro goโ€™aan qaadasho iiga bahnaa. Sidoo kale waa macallimad wax badan i bartay. Laga soo bilaabo maalintii aannu guri galnay ilaa maanta waxa ay ii ahayd dhakhtar guriga ii jooga. Waxa ay iga dabiibta xanuunnada werwerka iyo walaaca, niyadjabka iyo samir liโ€™ida, daalka iyo diihaalka iyo kuwo kale oo badan. Dhanka kale waa ardayad iga bartay cilmi badan iigana mahadcelisay. Mar kale na waxa aan noqdaa ilmo ay dhashay oo kale! Haa, ka hor labaatan sano dhabtii hooyaday isma aan lahayn tu ka dambaysa ayaad ku gamโ€™i! ama xannaanayn intaas leโ€™eg ayaad gabadh Soomaaliyeed ka heli! Run ahaan waan ka helay, waanan ku mahadiyaa kun jeer! Marka aan dhabteeda barkado ee aan kor u fiiriyo wajigeeda iyana ay hoos ii soo fiiriso waxa aan dareemaa xasilooni xad dhaaf ah iyo farxad aan la qiyaasi karin. Waxaanan maleeyaa in aan ahay qofka dunida ugu farxadda badan!

Maalintii ay caloosha iigu qaadday ilmihii curad waxa ay iga heshay xannaanayn aanay abid cid ka filan. Taas na iyada ayaa dhaar iigu martay. Iyada iyo ilmaha caloosha ay ku sidday ba waxa aan ugu adeegi jiray sida boqorrada! Waxa aan ka dhowri jiray dhib kasta iyo shay walba oo dhaawici kara nafteeda iyo niyaddeeda. Wax wal oo ay i waydiisato waa ay iga heli jirtay. Marka hore ba ma ahayn qof wax aan diidayo i waydiisa! Maalintii ilmaha shinkiisu goโ€™ay baa la soo gaadhay. Alle foosha waa u fududeeyay, markaas ayaa ilmihii Oohin dunida ku salaamay. Farxad baan iyada salaanta dhunkasho uga dhajiyey! Dabadeed ay dhoolla caddayn iigu soo jawaabtay. Waxa ay ahayd maalintaasi maalin aniga iyo iyada ba nagu wayn. Ilmahaasina waxa uu noqday mid nagu wayn oo farxad qoyskayaga ku soo biiriyey. Waxa uu noo noqday wehel saddexaad! Kalgacaylkii aniga iyo hooyadii na dhexyaallay inta uu ku barbaaray ayuu la barbaaray! Sidoo kale saddexda caruur ah ee ka dambeeyay mid walba mar kasta waxa uu nagu soo kordhinayey kalgacayl iyo naxariis. Noloshayadana maalin walba xasillooni iyo deggenaan baa u sii kordhaysay. Waxa aannu sabab uga dhignaa wanaag walba

oo aannu guurkayaga dabadii helnay, hal shay. Waa haasaawihii guurkayaga hortii oo runtu rukunno u hayd!

Caways Jimce ah oo aan sii fogayn aniga iyo Deeqa oo cawaynayna bay sheekadu nala gashay waayo hore iyo bari samaad. Kalgacalkii aannu isku guursannay sidii aannu u abqaalnay baannu dib u milicsannay. Waannu ku faraxnay midho dhalka aannu ka gaadhnay labadayaduba. Waxa kale oo ay ka sheekaysay sida uga cabsi qabtay nin Soomaaliyeed, aniguna waxa aan ugu warceliyey sida aan uga cabsi gabadh Soomaaliyeed! Waxa aannu isla waafaqnay in kutiri-kuteen badani balaayo been abuur nooga sheekeeyeen. Sidii ay marna iigu sheekaynaysay marna iiga guraysay bay sheekadu sheeko kale ila gashay. โ€œWiil iyo gabadh baa bari hore isguursaday. Labadooda midna waxba kama uu aqoon nolosha qoysnimo. Markii ay muddo isqabeen, baa mid waliba la yaabay raaxada iyo badhaadhaha nolosha qoysnimo. Dabadeed mid waliba dareenkiisa rasmiga ah cabbiray. Markaas ayey oohin qabsadeen. Iyaga oo iska dul ooyaya ayaa aroortii loo yimid. Markii la yidhi maxaa idin helay bay yidhaahdeen โ€˜Haddii sidan nolosha guurku u macaantay, maxaan bari hore isku guursan waynayโ€™!! Wax loogu jawaabo ayaa la waayeyโ€!! Markaas bay Deeqi i tidhi, innagu ba maxaan bari hore isku guursan waynay! Inta aan qosol riyaaq hordhac uga dhigay baan ugu warceliyey โ€œHaddaan guurka sidan moodayo, Habeen kali maseexdeenโ€!!

 

Qalinkii: Saddam Xuseen Carab saddamcarab@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Oktoobar, 2013.