Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo Marwadiisa ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaatay dhibcihii u horreeyay ee Tallaalka dabaysha oo doorkan la siinayo dadka waaweyn iyo carruurtaba, ka dib markii sida la sheegay dalalka dariska lagu arkay dad waaweyn oo uu ku dhacay xanuunka dabayshu.
Tallaalkan ayaa Axadda Beri ka bilaabmi doona guud ahaan Somaliland oo dhan kaasi oo socon doona muddo 7 maalmood ah.
Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan. โTalaalkan oo faaโiido u leh dadka iyo dalka aad ayey muhiim u tahay in la qaato, maadama uu caafimaadka dadka ahmiyad weyn u leh. Waxaan ku guubaabinayaa dadka uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo, oo faaโiido iyo kheyr ka helo,โayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Xaflad wasaarada Caafimaadku soo qabanqaabisay oo ku saabsanaa bilowga talaalka Dabaysha oo shalay ka dhacday hotel Maansoor oo ka qeybgaleen Madaxweyne-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Saylici, xubno ka tirsan golaha wasiirada, masuuliyiin ka socday hayโadaha la shaqeeya Caafimaadka iyo marti sharaf kale ayaa lagu sheegay in talaalkan maanta ka bilaabmaya dalka ee dabayshu yahay mid lagu talaalayo guud ahaan shacabka Somaliland yar iyo weynba.
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay maanta farxad u tahay maadama aan weligii hore loo talaalin, halkaana uu ku qaatay talaalkii, โAnniga weligay la ima talaalin, hadii dadkii waaweynaa lagu daray waan soo dhoweynayaa.โ
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in maanta guud ahaan ka bilaabi doonto Somaliland talaalka cudurka Dabaysha oo saamaynaya qof weyn iyo qof yar-ba, si looga dabarjaro Somaliland. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay inay ka qeybqaadan doonaan 1670 kooxood oo min laba qof ka kooban, socona doono 7 maalmood.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan C/lahi Saylici oo xafladaa soo xidhay ayaa bulshada Somaliland kula dardaarmay inay ka faaโiidaystaan fursadan talaalka lagu dabarjarayo cudurka dabaysha, si caafimaadka dadkeenu u wanaagsanaado. Masuuliyiin kala duwan oo ka socotay hayโadaha wada shaqeynta ay leeyahiin wasaaradda Caafimaadka, sida UNICEF, WHO oo fudueeyey helitaanka talaalkan, qaar ka tirsan culimaaโudiinka Somaliland, ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa dhamaantood ummada Somaliland ugu baaqay inay ka faaโiidaystaan talaalka ka hortaga cudurka Dabaysha, caruur iyo ciroolena la qaato talaalka.
Halkan hoos ka daawo
Somalilandpost.net
Hargeysa