Inta qofku noolyahay waxa jira waxyaalo saamayn ku yeeshaย noloshiisa. Qadhaadh iyo macaan ba waa ay leh yihiin. Dhammaantood casharro iyoย waayo -aragnimoย ayaa lagaย korodhsadaa. In aad dad waayo arag ah la kulantaa way ku saamaysaa, in aad dhul iyo deegaan cusub ย tagtaa, waa aqoon kuu soo korodhay. Waayaha nololeed iyo sawiradaย kala duwan ee indhahaagu qabanayaannaย waa kuwo raad kaga taga maankaaga.ย ย Sidoo kale in aad saaxiibbo cusub yeelataa waxay leedahay samaynteeda, in aad socdaasho lafteeduna waxay kugu yeelataa samayn!
ย Safarku haa, qofka saamayn badan oo tognaan iyo tabnaan ba leh ayuu ku yeeshaa.ย Haddaba, qoraalkan waxa igu dhaliyay safar aan dhawaan ku tagay magaalada Ceerigaabo, ahaana mid aad u xiiso badnaa, kana mid ahaa casharada sida joogtada ah aan u korodhsado ee ย dal iyo dad barashoba leh. Hadal badani haamo ma buuxshee, aan sawir kooban idinka tuso socdaalkaygii Ceerigaabo iyo maalmihii xiisahabadnaa!
Waa badhtamahii bishaย ย Sebtember ee sannadka 2013.ย Xiiso badan ayey ii lahayd in aan u diyaar garoobayey Safarย shaqo. Safarkii u horreeyay noloshayda ee aan ku tago gobolka Sanaag. Sanaag, Daalo iyo Surad, Tabca iyo meelo cajiib ah ayey caan ku tahay. Dalxiiska waa meel loo majeerto. Waxa aan u hayey xiiso badan oo laabta i xara dhaamiyey. Haa, adba haddii aanad arag waadย jeceshay mar uun in aad tagto, dabadeed buuraha dalxiiska dushooda tax-taxaashto, saw ma aha?
Hargeysa oo aan ka socdaalay iyo Ceerigaabo waxa ay isku jiraan ilaa 700KM. Masaafo yar ma aha, kala badh waa dhul adag oo aan jid hagaagsan lahayn, buuro iyo ah ban cidlo ah! Siddeed saacadood oo aannu safar Burco ka bilawday ku jirnay, ka dib waxa aannu gaadhnay Ceerigaabo oo meel god ah dhulka kaga jirta!
Intii aananu gaadhinย Ceerigaaabo,ย ย banka Saraareed ee dhererka ku faana oo badi barwaaqo ah ayaannu soo jeexnay. Xoolo adhi iyo geel ba leh ayaa meelaha qaar dhexย mushaaxayay.ย Deegaan barwaaqo ah weeyaane, daaqa iyo dareemadu waxa ay ahaayeen ย kuwo is qabsaday.
ย Magaalada, cimilada u horreysa ee aad galaysaa waa mid qabow ah. Dhulka cagaarka ah (Gaar ahaan bishanย 9aad), jawiga haadiga ah iyo deegaanka qurxoon ayaan aad u la dhacay. Goโ iyo Koodh iyo wax dhaxanta laga gashado ayaa lagu wada shaqlanyahay, siiba casarka ilaa cawayska dambe. Laakiin intaas oo dhan waxa dareenkaygu kaga mashquulay duqayda tirada badan ee ku nool! Ceerigaabo waxa aan kuย arkay in ka badan magaalooyinka inta odayaal tiradaas iyo daโdaas leโeeg aan ku arkay.ย Alle ha u naxariistee Xaaji Aadan Axmed(Af-Qallooc) oo boqolka wax badan dhaafay baan markiiba soo xasuustay. Illeen isba reer Ceerigaabo ayuu ahaa!. ย Maxay ย Ceerigaabo kaga gaddisantahay meelaha kale ayaan iswaydiiyey? Tolow ma dadka ku nool ayaa dadka ka cimri dheer mise waa si kale?! Dad baa ii sheegay in dhulka qaboobaha ahi sababย uย yahay cimri dhererka, dad kale ayaaย iyagunaย sababo kale ii sheegay. Si kastaba ha noqotee Ceerigaabo waa magaaladii duqayda! ย Magaaladu halkaas ha innoo joogtoโe, dibadda iyo dhulka dalxiiska meel ka mid ah ayaan iyana gaadhay. Waxa aan ku soo arkay ย jannooyinka adduunka wax ka mid ah oo cajab badan.
********
Waxa aan tagay gubanka Carareed oo buurta Daalo ay kor kaaga beegantahay, xeelliga Maydh na koonfur kaaga bidhaamayo. Waxa la sii maraa dawga tabca iyo buuro tiro badan oo ka sokeeya. Ilaahay abuurtiisu waa ay noocyo badan tahay! Buuro dherer iyo baaxad ku awood sheegta oo aad mooddo dayr wayn oo dhulka ku qotoma oo cirka ku dhammaada ayey aragtida ishaadu ku libdhaysaa. Markaad kor u jalleecdo ayaad marar moodaysaa in buurtu kugu soo dhacayso, laakiin awood qarsoon ayaa halkeeda ku haysay. Tiradu ma ahayn mid ama laba waa arlo dhan oo Ilaahay ku teediyey buurahaas daruuraha gaadhaya ee ceeryaantu ku shaqlantahay had iyo goor. Ma ahayn buuruhu omos iyo dhagax iyo qarfo. Ciidda iyo qururuxa ay ka unkanyihiin in aad aragtaa waa dhif iyo naadir. Dhirta cagaarka ah ee boqolka jaad ah ee ku gadaaman ayaa wax walba kaa qarinaysa. Eegmadaadu marna kama xiiso goynayso daawasha awoodaha Ilaahay ee noocyada badan. Buuraha hirarka ah haddii ay muddo ishaadu ku negaato waxa aad ka dhex arkaysaa sawirro kale iyo muuqaallo aan marka hore kuu muuqan. Waad ku raaxaysanaysaa daawashadooda, kamana xiiso goynaysid. Wax yaab leh oo aan ku soo arkay Sanaag ayey ka mid ahayd.
Dhulka huwan doogga iyo daaqa waxa ka sii qurux badnaa dhirta boqolka jaad ah ee buuraha iyo bannaannada xidhiidhsan. Waa dhir udug, dhir cagaar iyo dhir quruxeed. Haddii urtu in uun dabiib ka noqon lahayd xanuun jira ama jiri doona, dhirtaas uduggeeda ayaa dawo iyo dabiib looga dhigi lahaa. Marka ay sankaaga xusho neecawda urta ku rarran ee dhirta soo dhex jibaaxdayย ayaa ayย ilaa maskaxda ku dhex qaadaysaa. Mararka qaar maskaxdaadu waxa ay u ekaanaysaa wax cusub oo hadda dhashay oo wax walba oo lagu kaydiyo u madhan. Waxa ay ahayd meel yaab leh! Sidaa si leโeg ayaa daawashada ubaxa iyo manka dhirtaasi u dawayn karaa indho basaasay iyo kuwo busaaradsaday labadaba.
Maalinta oo idil, cirka daruuro is hirdiyaya iyo hogolo is habaynaya oo in ay hooraan diyaar u ah ayaa sidaa iyo ย sidaa u dul damaashaadayey.ย Daruuruhu waxa ay u ekaayeen kuwo nidar ku maray in ay buuraha iyo dhirta iska dhex baxay guntooda iyo guudkooda biyo ku shubaan. Maalintii laba ama ka badan oo goor way hooraan sii ba waqtigan aan tagay. Waxa se xaqiiqdu tahay, intaas oo dhami in aanayย ahaynย dabeecad meel dhulka ka mid ah lagu arko oo inta la daawo la iska dhaafo uun, se ay tahay aayadoย Rabbiย oo rumayntiisa kuu xoojinaya. Waxa ay idilkood ahaayeen wax cibro iyo cashar leh oo aan ku soo arkay Sanaag.
Waxa hubaal ah inta aan soo arkay in aan qalin iyo af midna lagaga sheekayn karin, waxa sidoo kale la hubaal in intaas iyo in ka badan oo aanan aragi ayย jiraan. Casharro caqiiqadada qofka kor u qaadaya ayaa laga soo korodhsanayaa safarkaas iyo kuwa u dhigma, casharro maskaxda kuu dajinaya oo aad ka mabsuudayso ayaad ka soo baranaysaa, casharro kuย ogaysiinayaย hodantinimida arladeenna ayaad arkaysaaa oo aad soo baranaysaa. Safarkan iyo kuwa laย mid ka ahi ba waxay ay ku geynayaan duni hore kaaga qarsoonayd oo qiimo iyo qaayo leh. Haddaba waxa aan kugula talin lahaa haddii aanad hore u tagin Sanaag, in aad mar soo booqato. Haddii aad hore u aragtay, in aad mar iyo marar kale ku noqotaa waaย aqoon iyo dalxiis iyo duni naftaaduย u baahan tahay. Dhulka yaab ka leh ee Sanaag, mar soo arag!
Qalinkii: Saddaam Carab
Hargeysa, Somaliland