Madaxweyne Siilaanyo oo CAAWA Dhaqan-geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka oo Golaha Wakiilladu MAANTA Ansixiyey

0

SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xeer madaxweyne ku dhaqan-geliyey Xeerka Takaaliifta Hormarinta Waddooyinka oo mudaneyaasha Golaha Wakiilladu maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

War-saxaafadeed xambaarsan Digreetada madaxweynuhu ku dhaqa-geliyey Xeerka oo caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013ย ย  kuย  dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:ย  Goโ€™aanka Golaha Wakiillada JSL, Goโ€™aan Lr. GW/G/KF-ย  22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.โ€

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

ย Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.